8 Xaaladood Haddii Aad Indhahaaga Ku Aragto Dhaqso U Booqo Dhakhtar, Si Aad Uga Badbaado Khatar Caafimaad

53
4460

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddaynaya in indhuhu ay yihiin muraayadda laga dheehdo xaaladda caafimaad ee qofku marayo. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr calaamadood oo ay xeeldheereyaashu xuseen in haddii qofku indhihiisa ku arko ay qasab tahay in uu dhakhtar la xidhiidho, maadaama oo ay digniin u noqon karaa dhibaato caafimaad oo qofka haysa.

  1. Finanka indhaha ka soo baxa: In kasta oo marar badan ay nabarro bakteeriyadu sababto awgeed finankani u soo baxaan, dawadooduna aad u fududahay, haddana waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in haddii finkaasi dhaqso u tegi waayo, dhowr maalmood gudahood, ay calaamad u noqon karto in uu xidhmay qanjidh dufaneedkii ishu, sidaa awgeed ay qasab tahay in dhakhtar dhaqso loo tuso. In finkani dhaqso u tegi waayaa waxa ay calaamad u noqon kartaa in qofka uu hayo nooc kansarka ka mid ahi.
  2. Timaha sunneyaasha oo data: Waxaa jira sababo badan oo keeni kara in timaha sunneyaashu daataan, waxaa ka mid ahba gabowga, tacabka iyo hawsha adag, cudurka daadashada timaha, waxa se dhici karta in sababtu aanay intaas midna ahayn. Waxaa jira sababo xaaladahaas aynu xusnay ka khatar badan, waxaa ka mid ah in ay calaamad u tahay gaabis ku yimid shaqadii qanjidhka dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, ama hoos u dhac weyn oo ku yimid hormoonnadii saxda ahaa ee uu soo deyn lahaa qanjidhkani, sidaa awgeed haddii aad aragto timahaaga sunneyaasha oo si joogto ah u daadanaya, dhaqso dhakhtar u arag.
  3. Aragga oo uu hadh kaa galo: Nolosha casriga ahi waxa ay wadataa dhibaato ah in aynu saacado aad u badan eegno shaashadda Kombiyuutarka ama taleefanka gacanta, taasina waxa ay daal iyo indhaha oo olol, xanuun, cuncun ama biyo yeesha. Haddaba haddii aad xaalado noocan ah isku aragto waxaa muhiim ah in aad dhaqso u booqato dhakhtar indhaha ku takhasusay.
  4. barta arag la’aanta: Waxaa mararka qaarkood dhacda in qofku marka uu wax eegayo, araggiisa ka dareemo dhibic ama goobo madow oo waxa uu eegayo qayb yar oo ka mid ah kaga gudban, laakiin inta badan dhib kuma keento oo aragga guud ayaa ay maskaxdu qaadataa, intaas yarna iyada ayaa tafaasiisheeda dhammaystirata. Waxa se ay dhakhaatiirtu sheegayaan in dhibicdaas oo aan si sahal ah qofku ku dareemi karin, haddii ay jirto ay calaamad u tahay in qofku uu leeyahay madax xanuun Dhanjaf ah, haddii uu calaamaddaas joogto isugu arkana ay noqonayso in uu dhakhtar booqdo. La soco….

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here