Dareenka Marka Uu Dhakhtarku Arko In Maydka Loo Keenay Uu Yahay Walaalkii Oo Uu Nolol Iyo Caafimaad Ku Ogaa

45
4201

Qasa (Geeska)- Qasa oo ah inta ka nool dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku qaadatay, ayaa maalin kata ka dhaca dil argagax leh iyo ficillo calool xanuun ah oo ay ciidamada Yuhuuddu u geystaan maatada ku nool gobalkan go’doonka laga dhigay, badda, berriga iyo hawadaba.

Waxaa u dambeeyey xasuuqii iyo ficilladii foosha xumaa ee ay Israa’iil marinka Qasa ka geysatay markii dhowaan ay dibad baxyo silmi ah sameeyeen dad rayid Falastiiniyiina ah oo ka cadhooday go’aanka uu madaxweynaha Maraykanku magaaladooda Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay magaalo ay leedahay Israa’iil oo weliba caasimad u ah.

Dhakhaatiirta Falastiiniyiinta ah ee ku nool dhulkan oo shaqadoodu tahay tabaruc iyo in ay daweeyaan dadkooda maalin kasta daraasiinta laga dilo, ayaa in kasta oo ay xaalad naxdin iyo xanuun joogto ah ku nool yihiin, haddana waxaa mararka qaar soo maraya dhacdooyin illowsiinaya xanuunka hore oo dhan.

Kan sawirka ka muuqdaa waa Dr. Muctasim Alnuwnu, waxa uu ku jiray shaqo maalmeedkiisii caadiga ahaa ee cisbitaalka, gaar ahaan qaybta gurmadka degdegga ah. Waa maalintii safaaradda Maraykanka laga furayey Qudus oo dibadbaxyo badani dhaceen, Israa’iilna xoog aad u badan u adeegsatay dadkii maatada ahaa. Dr. Muctasim cisbitaalka uu joogay waxaa ilbidhiqsi kasta soo gaadhayey daraasiin ah carruur iyo dumar u badan oo dhaawac iyo dhimashaba leh.

Maalintan waxaa Falastiiniyiinta ka dhintay 55 dibadbaxe oo rasaas nool lagu dhuftay meel ku taalla xuduudka u dhexeeya Qasa iyo dhulka Falastiiniyiinta inta ay Israa’iil haysato, dhaawacuna 2 kun waa uu ka badnaa.

Dr. Muctasim oo hadba dadka cusub ee la keeno isaga la soo marinayey, si haddii ay dhimasho yihiin uu si rasmi ah ugu dhawaaqo loona diiwaangeliyo, haddii ay dhaawac yihiinna xaaladdooda u qiimeeyo oo uga taliyo sida wax loogu qaban karo.

Waxa uu dareenka Dr. Muctasim mar keliya is beddelay markii uu go’a ka qaaday wejiga mid ka mid ah dadkii loo keenay. Waa maydka walaalkii ka yar oo lagu magacaabi jiray Muctas Alnuwnu, waxa uu dhaawac xumu ku soo dhacay isaga oo jooga goobta dibadbaxu ka dhacayey, markii cisbitaalka uun la soo gaadhsiiyeyna waa uu go’ay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here