“Madaxweynuhu Wuu Asiibay Weftigan Uu U Diray Ceel-Afweyn”

47
3335

Dr Cumar Shucayb Maxamed

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay weftiga iyo ergada dhex-dhexaadinaysa Labada Beelood ee dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu xusay inuu aad u soo dhaweeynayo Weftigan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ilaalinta nabadgalyada kaalintooda ka qaatan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waa lagama maarmaan in labada Beelood in dagaalkooda soo noq-noqday la soo af jaro, dagaalo iyo aanooyin soo noq-noqdaa waa khasaare if iyo aakhirba, Madaxweynuhu uu asiibay Weftigan uu u diray soo af jarida colaada labada Beelood,Labada Beeloodna taladda iyo waanada aan siinayo ayaa ah dhiig gardaro iyo sabab la’aan lagu daadiyaa Diinta Islaamku ma ogola, oo waa la inaga xarimay, ee ka digtoonada inaad mar kale dib iskugu noqotaan, Weftigana waxaan ALLE uga raynayaa inuu ku asturo maslaxadaas ay u baxeen”.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi “Somaliland waa Wadan amaankiisu sugan yahay, oo ugu horeyn ALLE uga mahadnaqayno, nabadgalyadu qiimaha ay leedahayna cida aan haysan ayaa garanaysa, ee qof walba xil gaar ah ha iska saaro nabadgalyada iyo ilaalinteeda, oo mar walba ha lagu dadaalo in laga hor tago wax kasta oo nabadeena lid ku ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here