Ciyaartooyada Kooxda Real Madrid Oo Lagu Abaalmariyay Min 2 Milyan Euro Ka Dib Markii Ay Kooxda U Qaadeen Shan Koob Sannadkan

111
25150

 

 

 

Ka dib markii ay ku guuleysteen shan koob oo ka mid ah lix koob oo ay u tartameen, ciyaartoyda Real Madrid ayaa helay  abaalmarin midkiiba loo siiyay 2 milayn euro sannadkan 2017, waana lacagtii ugu badneyd ee ay kooxdu bixiso.Lacagta ugu badan ee abaalmarinta waxa ay ku muteysteen hanashadooda horyaalka La Liga iyo Champions League oo ay isku qaadeen xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay aheyd markii ugu horeysay ay Real Madrid isku qaado labada koob tan iyo 1957-58, waxaana ay kooxda ku abaalmarisay ciyaaryahan walba 1.5 milyan euro.Waxaa sidoo kale lacago abaalmarin ah la siiyay dhamaan shaqaalaha kooxda iyo shanta xubnood ee shaqaalaha tababarka.Ka dib waxa ay Real Madrid ku guuleysatay European Super Cup iyo Spanish Super Cup, iyagoo sannadkan 2017 ku soo xidhay hanashada Club World Cup.Seddexdaan koob ma ahan kuwa qiimo ahaan u soo dhow horyaalka, Copa del Rey ama Champions League, laakiin wadar ahaan seddexda koob waxa ay ciyaartoyda Real Madrid ku heleen abaalmarin qiimo macquul ah.

 

Ka dib wadahadal dhexmaray kabtanada kooxda iyo madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez, waxa ay isku raaceen in seddexda koob ay u qalanto in abaalmarin ahaan ciyaartoyda loo siiyo midkiiba nus malyuun euro, taasoo wadar ahaan ka dhigeysa inay xiddigaha Real Madrid uu midkiiba sannadkan 2017 abaalmarin ahaan u helay 2 milyan euro.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here