Ciyaaraha Fiidyowgu Waa Ay Koriyaan Maskaxda Ilmaha Laakiin Waxa Ay Keenaan Khataro Caafimaad Darro

0
847

Madrid (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in ciyaarah loo yaqaanno ciyaaraha Fiidyowga ama ‘Games’ afka qalaad in ay kobciyaan maskaxda qaybaheeda ka masuulka ah danaynta, dhugmada, iyo xirfadda aragga, guud ahaanna ay wanaajiso shaqada maskaxda, laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanay wax dhibaato ah lahayn ciyaarahani, oo waxa ay daraasaddu ogaatay in dhibta koowaad ee ay leedahay ay tahay in qofku qabatimo oo xiisaha ciyaaristeedu ay sida balwadad qofka u qabato.Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo natiijadeeda lagu faafiyey joornaalka ka faallooda arrimaha caafimaadka ee lagu magacaabo Frontiers in Human Neuroscience waxaa sameeyey cilmibaadhayaal ka tirsan kuliyadda cilmiga caafimaadka ee jaamacadda Kaatalooniya (Catalonia) ee dalka Isbayn iyo cisbitaalka weyn ee Massachusetts ee gobalka Boston dalka Maraykanka, waxa aanay tijaabo iyo dib u eegis ku sameeyeen tixraacyada daraasado tiradoodu 116 ka badan tahay oo hore loo sameeyey natiijada ka soo baxday iyo natiijooyinka tijaabooyin kale oo kala duwan oo ay sameeyeen ayaana daahfurtay in ciyaaraha Fiidyowgu ay si sahal ah oo dhinaca fiican ah ay u beddeli karaan maskaxda shaqadeeda iyo habdhaqankeedaba. Khubaradu waxa ay sheegeen in ciyaaraha Fiidyowga ahi ay beddelaan sida ay shaqadu hawlaheeda u gudanayo iyo xitaa qaab-dhismeedkeeda.

Waxa kale oo ay natiijadani muujisay in ciyaarta fiidyowgu ay kordhiso xajmiga iyo waxqabadka maskaxda qaybaheeda qaabilsan shaqada la xidhiidha xusuusta.

Laakiin dhinaca kalana waxa ay khubaradi sheegeen in ciyaaraha Fiidyowgu ay dhibaatooyin caafimaad keeni karaan, waxa aanay si gaar ah u soo qaateen xaalad ay ku magacaabeen ‘Khalkhalka ciyaaraha Internet ka’ in ciyaaraha qabatinkooda ay ka dhalatay xaalad ah in qofka ay u noqdaan balwad la mid ah balwadda isticmaalka maandooriyaha iyo sigaar cabbista.

Mark Baalus oo hoggaaminayey cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa beeniyey wararka inta badan warbaahinta iyo dadkuba isla dhex maraan ee sheegayaa in ciyaaraha fiidyowgu ay u daran yihiin caafimaadka iyo badhaadhaha nafsadda ee aadamaha, laakiin haddana aanay soo raacin caddaymo cilmiya oo arrimahaas iftiiminaya. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Cilmibaadhistayadani waxa ay xoogga saartay baadhista saamaynta ay ciyaaraha Fiidyowgu ku yeeshaan maskaxda ilmaha, laakiin waxa aan xusayaa in arrintan baadhisteeda cilmiga ahi ay weli bilow tahay, sidaa awgeed laga yaabo in faahfaahininno iyo caddaymo dheeraad ah loo baahdo” Mark waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay, “Waxa ay u badan tahay in ciyaarahani ay faa’idooyin u leeyihiin maskaxda qaybaheeda dhugmada, xirfadda aragga iyo dhaqdhaqaaqaba u leeyihiin qofka, laakiin haddana a yleeyihiin khatarta ah in qofku uu qabatimo balwadna ka dhigto.

Dhib iyo Dheef

Dhinaca kalana waxa aynu qormadan ku soo koobaynaa faa’idooyinka iyo dhibaatada ay khubarada caafimaadku ku sheegeen ciyaaraha Fiidyowga:

Dhibaatada:

Ilmaha oo ay qallafsanaanta iyo kulaylka dabeecad xumada ahi ku bataan, in uu ilmuhu habeenkii isku kaajo ama mararka qaarkood maalintii kaadida xejisan waayo, cumaamuha gacanta oo xanuunka, raqabad xanuun, ciyaaraha kale ee jimicsiga jidhku ka mid yahay oo ilmuhu uu naco, miisaanka ilmaha oo aad u kordha, Faytamiin D oo jidhkiisa ku yaraada iyo wahsiga oo ku bata.

Dheefta:

Ciyaarta Fiidyowga (Games) faa’idooyinka kale ee ay ilmaha u leeyihiin waxaa ka mid ah, awoodda ilmaha ee isku xidhnaanta dhaqdhaqaaqa labada gacmood iyo indhaha oo wanaagsanaada, xiradda ama awoodda uu ilmuhu u leeyahay in uu dhibaatooyinka ka hor yimaaddo xalliyo oo korodha, fahamka iyo ka faa’idaysiga xogta iyo macluumaadka uu helo ilmuhu oo korodha.