Aabaha Internet Ka Oo Ku Taliyey In Aan Horumarka Tiknoolajiyadda Lagu Illaawin Isticmaalkii Waraaqaha

39
4318

Jineefa (Geeska)- Vinton Gray Cerf oo lagu tilmaamo aabaha internet ka ayaa ku taliyey in isticmaalka Internet ka ee sii kordhaya iyo xawaaraha horumarka tiknoolajiyaddu ay ku socdaan aan loo ogolaan in ay ina illowsiiyaan qalinkii iyo warqaddii soo jireenka ahaa ee uu aadamuhu weligiiba isticmaalayey. Vinton waxa uu sheegay in uu cabsi aad ah ka qabo in internet iyo guud ahaan Tiknoolajiyaddu ina illowsiiyaan isticmaalka waraaqahaas.

Vinton oo magaalada Jineefa kaga qaybgalayey shirka hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan maamulidda Internet ka ee magaceeda loo soo gaabiyo IFG ayaa mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aan waraaqaha looga maarmi karin xusuusta, “Maxaan ku sameeyaa sawirradaydii Footogaraafka ahaaa? Sawirradii aan sida runta ah u danaynayey” ayaa uu yidhi Vinton oo intaas ku sii daray, taladiisa ah muhiimadda ay leedahay in qofku uu sawirradiisa qaar u beddelo warqad kadibna xusuus ahaan u haysto, iyada oo la ogyahay sida uu Vinton sheegay in sawirka warqadda ahi ooli karo muddo 150 sano gaadhaysa.

Vinton oo weli hadalkiisa sii wada ayaa yidhi, “Haddii aynu doonayno in ubadka aynu awoowga u noqon doonno aynu uga tagno taariikh ku saabsan dunideenna maanta, waxaa muhiim ah in aynu hubinno in xogtaasi ay noqoto mid dib loo soo celin karo ama la fahmi karo”

Vinton oo 74 jir ah laguna naanayso ‘Aabaha Internet ka’ ayaa sheegay in isticmaalka warqaddu uu aad uga fiican yahay talefannada casriga ah, waxa aanu intaas ku sii daray, “Marka koowaad weeye e’ warqadda si fudud ayaa aad wax ugu sawiri kartaa .. mar labaadkana, marka aan qoro xusuus, ee aan muddo dheer kadib dib u eego waa in qoraalkaas ay la socdaan waxyaabo in xasuusinaya sida xaalku berigaa ahaa, halka aan joogay iyo nooca warqad ee aan adeegsaday. Sidaa awgeed warqaddu iyada ayaa xusuus dheeraada ah” Vinton waxa uu aaminsan yahay in xusuusta ku jirta internet ka ama qalabka tiknoolajiyadda aanu jirin wax duugoow ah oo ku dhacaya oo lagu kala garan karo kii maanta la qoray iyo ka boqollaal sano ka hor la qoray, laakiin warqaddu mar kasta oo ay duugowdo waxa ay ina tusaysaa waqtiga dheer eek a soo wareegay qoraalkeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here