Baaxada Khasaarahii Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Suuqa Magaalada Wajaale

28
2925

Wajaale(Geeska):-Dab khasaare balaadhan gaystay  ayaa saaka waaberigii ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.Dad goob joogayaal ah ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in dabu khasaare laxaad leh gaadhsiiyey meherado tiro badan, kaas oo ay ku baabaday hantidii taalay meheradahaasi.Wararka ayaa sheegaya in meheradaha ganacsiga ee uu khasaaraha gaadhsiiyey dabka ka kacay magaalo ganacsiyeedka Wajaale ay gaadhayaan 90 meheradood.Ciidamada dab-demiska ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley ayaa gurmad balaadhan ka galay sidii ay dabkaasi u bakhtiin lahaayeen, kuwaas oo ugu dambayntii ku guulaystay inay joojiyaan dabka oo ahaa mid aad u weyn.

HALKAN KA DAAWO BAAXADA KHASAARIHII KA DHASHAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here