Dawooyinka Kaar-Jebinta Oo Xilliga Uurka Ay Hooyadu Cuntaa Waxay Ilmaha Ku Keentaa Cudurka Autism

0
923

1London (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa daahfurtay in dawooyinka Kaar jebinta ah ee ay ku jirto maadadda Paracetamol oo ay hooyada uurka lihi isticmaashaa ay ilmaha uurka ku jirto xaalado caafimaad darro oo uu ugu horreeyo cudurka Autism ka loo yaqaanno, iyo sidoo kale xaaladaha qalqaalinnimada (Cudurka ah) oo ay dhakhaatiirtu afka Ingiriisiga ku magacaabaan Hyperactivity (Firfircooni iyo xarakaad aan caadi ahayn).

In kasta oo ay jirto dawo xummad/Kaar Jebin ah oo sideeda u sidata magacan ah PARACETAMOL haddana dawooyinka kaar/xummad jebinta ah badankooda waxaa ku jira maadadda PARACETAMOL oo ay dhakhaatiir badani u ogolaadaan dumarku xilliga ay uurka leeyihiin iyaga oo taas oga shidaal qaadanaya I aanay dawadan ku jirin wax muujinaya in ay dhib u leedahay hooyada iyo ilmaha ay uurka ku siddo.

Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Isbayn ayaa dhowaan ogaaday in dawooyinka Kaar/Xummad jebinta ah ee ay ku jirto maadadda PARACETAMOL haddii ay hooyadu cunto xilliga uurka ay kor u qaaddo khatarta ah in ilmuhu marka uu weynaado uu ku dhaco cudurka Autism ka oo ah xaalad caafimaad darro maskaxda ah oo ilma ku keenta in maskaxdu baahdo iyo in uu ka diiqadoodo dad dhexgalka.

Sida uu ku waramayo wargeyska Daily Mirror oo uu Geeska Afrika daraasaddan ka soo xigtay, khubarada reer Isbayn intii ay wadeen daraasaddan waxa ay tijaabo ku sameeyeen 2’644 hooyo oo xilligii uurka isticmaali jiray dawooyinka Kaar jebinta, Shan sano kadibna waxa ay tijaabooyin caafimaad u sameeyeen carruurtii ay dhaleen oo ay eegeen, Heerka moogganaanta ee maskaxdooda, xiisaha, heerka araggooda iwm waxa aana u soo baxday natiijadan.

Jimciyadda Isbayn ee dhakhaatiirta cudurka Autism oo ah ta samaysay cilmibaadhistan ayaa sheegtay in natiijadani aan loo qaadan Karin in dawooyinkani ay yihiin waxa keliya ee keena cudurkan, balse ay jiraan caddaymo kale oo muujinaya in ay jiraan sababo kale oo keena cudurka Autism ka waxaana ka mid ah sababo hidde, deegaanka iyo sidoo kale koritaanka maskaxda.

Cudurka Autism waxa uu ka mid yahay xanuunnada ugu badan dunida manta, warbixinaha caafimaadkuna waxa ay muujinayaan in ay dunida jiraan in ka badan 67 Milyan oo carruur ah oo qaba cudurkan Autism, waxase ay dhakhaatiirtu sheegayaan in cudurku uu kala heerar duwan yahay, dad badan o oqaba ayaana laga yaabaa in aanu saamayn weyn ku yeelan oo ay si caadi ah noloshooda dabiiciga ah isaga wataan.