Arday Somaliland Ah Oo Wacdaro Ka Dhigay Jaamacada Ethiopian Civil Service Oo Ay Ka Qalinjebiyeen

0
571

Hargeysa(Geeska)-Maalmo ka hor waxa jaamacadda dawladda Itoobiya ee Ethiopian Civil service university ka qalin jebiyay 1500 oo arday oo ka kala socday dalalka gobalka Geeska Afrika oo ay Somaliland ku jirto.

1

Ardayda qalin jebisay oo waxbarashadoodu ahayd deeq waxbarasho oo ay Itoobiya siisay ayaa waxa ay ka kala socdeen wadamada Somaliland, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Djibouti, waxaanay waxbarashadoodu ahayd darajada labaad ee master oo ay ku qaateen culuun kala duwan.

Ardayda reer Somaliland ee jaamacadda ka qalin jebiyay ayay tiradoodu tahay 20 arday, waxaanay 8 ka mid ah ardaydaasi wacdaro ka dhigeen imtixaanadii la qaaday, iyagoo 8-da arday ee Somaliland ka socday keenay dhibcihii ugu sareeyay imtixaanka, waxaana lagu hambalyeeyay darajada ay gaadheen iyadoo la siiyay abaalmarino kala duwan.

Masuuliyiin reer Somaliland ah oo ay carruurtoodu ka mid tahay ardayda jaamacadda ka qalin jebisay oo munaasibadda ka qayb galay ayaa ardayda reer Somaliland ku hambalyeeyay guusha ay ka gaadheen imtixaankii ay jaamacadu ka qaaday ardayda qalin jebisay.