Baabuurta Ugu Jaban Dunida Oo Muwaadiniinta Dalka Ruushku Ay Noqdeen Dadka Ugu Badan Ee Iibsada

0
855

ddddMoscow (Geeska)- Marka aad dalka Hindiya joogto haddii aad maqasho gaadiid lagu magacaabo Bajaj Qute ha u qaadan gaadhi, ama xitaa in ay si uun gaadhiga ugu dhiganto, laakiin marka aad Ruushka joogto ha la yaabin in aad maqasho ruux shaqo fiican iska haysta oo iibsanaya Qute Bajaaj, waayo waa marka koowaad ee labada gaadhi boqolkiiba boqol isku mid aha, mar labaadkana qiimaha ayaa ah sirta ku jirta. Qute oo ay isla shirkadda Qute Bajaaj samaysaa waa gaadhiga ugu qiimaha jaban dunida oo dhan, waxaana la ogaaday in dadka ugu badan ee illaa hadda iibsaday ama dalabaadka iib u soo gudbiyey shirkaddu ay yihiin dad u dhashay dalka Ruushka.