Maalqabeenku Lacagta Uma Kharash Gareeyaan Sida Aynu Moodayno: Caadooyinka Dhaqaale Ee Qaar Ka Mid Ah Maalqabeenka Waaweyn Ee Dunida (Q. 2aad)

0
704

dddddWashington (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee soo bandhigaysay hab-nololeedka qaar ka mid ah maalqabeenka dunida ugu caansan iyo siyaabaha ay lacagta u kharash gareeyaan ayaa lagu ogaaday:

3. Cadiim Bariimji Waa Bilyanneer ka mid ah maalqabeenka ugu caansan dalka Hindiya, waa nin caan ku ah samofalka iyo ka qayb qaadashada hawlaha tabarruca ah, marka taariikhda koritaankiisa iyo geeddigii uu u soo maray maalqabeennimada laga warramayana waxaa Cadiim lagu tilmaamaa nin isagu isa sameeyey, (Aanay cidi soo gacan qaban), waayo waxa uu ka dhashay qoys dabaqadda hoose ah oo noloshaas hoose ku soo koray.

Cadiim oo ah nin muslim ah waxaa lagu tilmaamaa Imbaraadoorka Tiknoolajiyadda ee dalka Hindiya. Dabeecadaha yaabka leh ee uu maalqabeenkan lacagta aadka u badan sadaqada ku bixiyaa leeyahay waxaa ka mid ah, in aanu ku safrin gaadiidka dabaqadda sare qaaliga ah, marka uu dibadda u baxo waxa uu ka dheeraadaa hudheellada qaaliga ah ee loo yaqaanno Five Stars, waxa aanu kharash gareeyaa lacagta ugu yar ee suurtogalka ah.

Caadi ahaan dadka maalqabeenka ah ee dunida waxaa laga fishaa in ay isticmaalaan qalab iyo maacuun ka samaysan macdan ama walxo qaaliya, laakiin Cadiim arooskii inankiisa oo si aad ah la isugu yimid, martida waxaa cuntada iyo mac-macaanka soo dhoweynta lagu siinayey bilaydho ah kuwa warqadda ka samaysan ee halka mar la isticmaalo qof kastaana dukaanka qiime jaban kaga soo heli karo.

Cadiim lacagta kaashka ah ee uu haysto waxaa lagu qiyaasaa 16 Bilyan iyo badh doolarka Maraykanka ah, laakiin noloshiisa wax kibir iyo ka badbadin ah kuma ay soo kordhin lacagtaasi.

4. Beyonce Knowles-Cater Oo caan ku ah Beyonce waa heesaa iyo jilaa u dhalatay dalka Maraykanka oo ku guulaysatay 20 abaalmarinood oo waaweyn. Waxa ay heesaa nimada bilowday iyada oo aad u yar waxa  aanay dunida caan ka noqotay dabayaaqadii sagaashamaadkii, oo albamkeedii Dangerously in Love laga iibsaday in ka badan 11 Milyan oo nuskhadood.

Beyonce waa gabadh da’ yar oo dhalatay sannadkii 1981kii, oo heesaanimada ay u dheer tahay lacag badan oo ka soo gasha xayeysiiska dharka iyo ganacsiyo kale oo ay ku jirto maaliyaddeedana waxaa lagu qiyaasaa 450 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. laakiin haddii heesaaga lagu bartay kharash aad u badan oo ay u isticmaalaan noloshooda gaarka ah, quruxdooda iyo labbiskooda, gabadhan dhalinyarada ah ee maalqabeenka ahi waa ay ka dabeecad duwan tahay kuwa sidaas u dhaqma.

Boyence waxa ay iska ilaalisaa iibsiga alaabooyinka iyo qalabka la isku qurxiyo ee qaaliga ah. Dadka qaar u qaadan waaya kharash yaraanteeduna waxa ay ku caayaan in dharka, dahabka ama macdanaha kale ee dumarku xidho iyo waxyaabaha ay isku qurxiso oo dhami ay yihiin oo keliya hadyadaha ay siiyaan dadka ka shaqeeya waxyaabahan oo donaya in ay xayeysiis u noqoto xidhashadeedu.

5. Ingvar Kambrad waa maalqabeen 90 jir ah oo u dhashay dalka Sweden, sannadkii 2008da waxa uu noqday liiska Forbes ninka toddobaad ee dunida oo dhan ugu maalqabeensan. Ingvar lacagta uu hadda haystaa waa 31 Bilyan oo doolar waana ninka ugu maalqabeensan Yurub, iyo ninka Afaraad ee dunida ugu maalqabeensan.

Igfaar waa nin lexe-jeclo badan, waxaa lagu xantaa in shaqaalaha shirkaddiisa ka shaqeeya uu ka ilaaliyo in ay si aan habboonayn u isticmaalaan qalabka xafiisyada iyo maaliyadda labadaba, illaa heer uu shaqaalaha ku kaantaroolo in ay waraaqaha cadcad ee xafiiska marka ay wax ku qorayaan labada dhinacba isticmaalaan. Waxa caan ku yahay kharash yaraan iyo in uu cuntada ka cuno hudheellada dabaqadda hoose ee aadka u qiimaha jaban. La soco…