Maalqabeenku Lacagta Uma Kharash Gareeyaan Sida Aynu Moodayno: Caadooyinka Dhaqaale Ee Qaar Ka Mid Ah Maalqabeenka Waaweyn Ee Dunida (Q. 1aad)

0
596

dddddWashington (Geeska)- Marar badan waxaa dhacda in ruuxa dhaqaalihiisu hoosayn jiray marka uu dakhli fiican helo, ee hayntiisa dhaqaale korodho uu ku fikiro sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka noloshiisa una qurxin lahaa. Mararka qaarkoodna waxa ay gaadhaa in ruuxa oo doonaya in uu ladnaantiisa muujiyaa uu doono ka dukaamaysiga meheradaha qaaliga ah, iyo in uu wax ka iibsado meel kasta oo uu u arko in ay dadka lacagta haystaa ka adeegtaan. Isku dhererintaasi waxa ay marar badan keentaa in qofku uu si macno darro ah u lumiyo kharash badan iyo in uu iibsado alaabooyin iyo dhar laga yaabo in kuwo ka tayo badan uu qiimo jaban ku heli lahaa, balse isaga waxa jiitay uu ahaa dukaanka oo kuwa dabaqadda sare ah. Xogo kala duwan oo la ururiyeyna waxa ay muujinayaan in dadka maalqabeenka ahi aanay aalaaba kharash ku bixin wax yaabaha qaaliga ah ee maalqabeenka loogu talagalay. Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay is weydiinaysaa, “Ma’ ogtahay sida ay dad maalqabeen ka ah dunidani haddana nolol hoose iskaga nool yihiin? Ma og tahay in dadka ladani ay iska ilaaliyaan kharashka badan? Weliba bakhaylnimo kama’aha ee waxa ay ka tahay lexe jecayln. Ba u fiirso qaabkha kharash isticmaal ee dhowr ka mid ah maalqabeenka adduunka. Si aynu weydiimahan jawaab ugu helno aynu eegno nolosha qaar ka mid ah maalqabeenka dunida.

Tirokoob dhowaan lagu sameeyey hab-nololeedka qaar ka mid ah maalqabeenka dunida ugu caansan iyo siyaabaha ay lacagta u kharash gareeyaan ayaa lagu ogaaday:

1. Mark Zuckerberg: Aasaasaha facebook oo isla markaana ah agaasimaha fulinta ee shirkaddu, waxa uu ka mid yahay maalqabeennada iska ilaaliya waxyaabaha raaxada u ah nolosha iyo arrimaha  fakahaadsiga loo xiiseeyo, sida baabuurta qaaliga ah.

Dharka uu xidhaa waa kuwa dadka caadiga ah ee aan shaqayn xitaa xidhan karaan, iskumana mashquuliyo in uu labbis qaaliya xidho. Tusaale ahaan waxa uu ku labbistaa garamaan inta badan midabkoodu dameeri yahay iyo Jiimisyada dadkuba wada iibsan karaan, waxa aanu wataa gaadhi qiimihiisu aanu ka badan 29 kun oo doolar qiimahaas oo marka loo eego gaadhi cusub oo Maraykan jooga aad u jaban.

Mark oo qaabkaas u nool lacagta uu iskii u leeyahay waa 50.7 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, weliba lacagta badan waxaa u dheer in uu weli yahay nin 32 sano jir keliya ah oo taagan waqtiga xarragada iyo loofarka lagu yaqaanno dadka noociisa ah.

2. Warren Buffett sannadkii 2008da waxa uu noqday maalqabeenka ugu lacagta badan dunida, sannadkii 2015 kana waxa uu galay kaalinta saddexaad ee liiska Bilyanneerrada adduunka, guriga uu ku nool yahay waxa uu iibsaday Konton sano ka hor, oo laga siiyey 30 kun iyo 500 oo doolar. Laakiin lacagta uu Warren Buffet haystaa waa 60.8 Bilyan oo doolar.