Mucjisooyinka Saddex Xagalka Bermuuda: 10 Xogood Oo Laga Yaabo In Aanad Hore U Maqal (2)

0
1066

dddddWashington (Geeska)- Waa qaybtii Labaad uguna dambaysay, qormadii uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee aynu ku soo qaadannay 10 xogood ka mid ah mucjisooyinka Rabbaanigaah ee saddex xagalka Bermuuda.

4. Saynisyahanno u dhashay dalka Noorway ayaa iyaguna sannadkan 2016ka sheegay in ay ogaadeen godad sababa qaraxyo waaweyn oo ku dhacay kaabsallo ah neefta Methane, oo ku ururtay badda gunteeda, iyada oo godadkan la helay ballacoodu gaadhayo 500 oo mitir, halka jooggooduna hoos u gaadhayo 45 Mitir, waxa ay khubaradani aaminsan yihiin in neefaha ka soo baxaya godadkani ay sabab u yihiin in uu heer kulkulka biyuhu si aan caadi ahayn kor ugu kaco, oo inta ay biyuhu karaan ay sameeyaan xumo kubbad hawo ku jirto oo kale ah oo hoos u gaadhaya 150 fuudh, ballacooduna dhan yahay 750 mitir, taasina ay sabab u noqonayso in doonyuhu ay ku qarqoomaan. Sida ay arrintani diyaaradahana saamaynta ugu yeelatay waxa aynu ku eegaynaa qodobka Saddexaad.

3. Saynisyahannadan reer Noorway waxa ay aaminsan yihiin in neefahan ka soo baxaya godadkan aynu soo xusnay ay kor ugu soo baxeen hawada sare ee Saddex xagalka Bermuuda ku beegan, taasina ay sababtay in ay diyaaraduhuna qarsoomaan.

2. Illaa maanta oo xilligii diyaaradaha dagaalka ee Maraykan lagu dul waayey Saddex Xagalka Bermuuda laga joogo in ka badan 71 sano, weli ciidamada Badda ee Maraykanku waxa ay diiddadn yihiin in ay aqoonsadaan magac bixinta aynu isticmaalayno ee ah Saddex Xagalka Bermuuda, waxa ay sidoo kale diiddan yihiin in la sheegaba ama lala macaamilo oo ciidamada iyo culimada sayniska ee la shaqeeyaa ay baadhis iyo dabagal ku sameeyaan.

Saynisyahannada milateriga ee ciidamada cirka ee Maraykankuna waxa ay ku adkaysanayaan in sheekada Bermuda ay tahay khuraafaad iyo sheeko baraley la allifay sannadkii 1964kii oo ah markii uu magacan Saddex Xagalka Bermuuda baxay sida aynu kor ku soo xusnay.

1. Saddex Xagalka Bermuuda ma’aha sida ay dadka qaar ka aaminsan yihiin ee sheegaysa in uu yahay bad mar kasta kacsan, oo mawjado aad u waaweyn leh, ama wax lala yaabaa ay ka muuqdaan aragtideeda duleed, balse waa gobol deggen oo marka la eego aanay ka muuqan wax dareen cabsiyeed iyo xitaa shaki yar dhalinayaa. Hawadeedu waa ay deggen tahay, sida dabiiciga ah ee dhulka kale ayaa aanu dhaq-dhaqaaqa hawadu u socdaa, hirarka caadiga ah ee biyaha badda uu ku sameeyana ku samaynayaa.

Weliba taariikhda waxaa ku cad in bad-mareenkii Christopher Columbus uu doontiisa ku maray goobtan saddex xagalka Bermuuda oo weliba markaas ay ahayd goob biyaheedu deggen yihiin, laakiin haddana uu isagu arkay wax yaabo aan aragtida beni’aadamka caadi ku ahayn, sida ilays ka yaabiyey oo uu ku arkay cirka ka sarreeya goobtan, iyo jiheeyihii uu isticmaalayey oo si aan caadi ahayn shaqadiisu u khalkhashay intii uu goobtan ku gudo jiray. Dhammaad.