Adeegga Internet Ka Ee Wifi Waxa Uu Sababi Karaa In Hooyadu Ay Dhiciso, In Uur Qaadistu Dib Dhacdo Iyo Khataro Kale Oo Caafimaad Darro

0
852

ddddWashington (Geeska)- Adeegga WiFi oo ah mawjado hawada isaga gudbaya iyaga oo aan xadhi marin oo sida internet, waa adeegga loogu isticmaalka badan yahay guud ahaan dunida oo dhan, qof kasta oo soo gala gego diyaaradeed, hudheel weyn, xafiis iyo xitaa guri waxa uu maanta raadiyaa in uu yaallo adeegga WiFi si uu internet uga galo, laakiin warka xumi waa in uu adeeggani leeyahay raad xun oo dhinaca caafimaadka ah, gaadhina kara illaa heer uu sabab u noqon karo dhimasho.

Wakaaladda daryeelka caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa daraasad ay ku samaysay adeeggan WiFi waxa ay ku ogaatay in uu keeno khatarta ah in uu hakiyo ama joojiyo koritaanka aadamaha iyo dhirta ka ag dhow.

Wakaaladdu waxa ay xustay in qofka ama geedka oo ay si toos ah ugu dhacaan mawjadaha gudbinaya internet ka aan xadhiga marin, ay saamayn taban ku yeelato maskaxda, sababna u noqoto in qofka uu ka lumo u fiirsigu, mararka qaarkoodna uu keeno dhego xanuun.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya ayaa shaqaalaha ka shaqeeya xidhista/rakibista adeeggan ay qasab tahay in si ay caafimaadkooda u ilaaliyaan ay taxaddar badan sameeyaan isla markaana cidda ka masuulka ahi ay tahay in ay siiso talooyinka caafimaad ee ku habboon iyo tababarrada la filayo in ay ka yarayn karaan khatarta uu ku keeni karo adeeggan oo ay ku tilmaameen khubaradu dilaaga aamusan ee si doqoni ma garatayga ah qofka u dilaya.

Waxaa jirta daraasad kale oo ay samaysay jaamacadda caanka ah ee Cambridge ee dalka Ingiriiska, taas oo daahfurtay in mawdajaha internet ka sidaa ay keenaan khatarta ah in uurku uu hooyada ka dib dhaco (Hore ilmo ugu calool geli waayo), sidoo kale waxa ay hooyooyinka uurka leh kula talisay in ay waajib ku tahay in ay ka taxaddaraan isticmaalka adeegyada ku shaqeeya xadhig la’aanta (Wireless), iyaga oo arrintaas ku sababeeyey in hooyada oo jidhkeeda ay ku bataan fallaadhaha iyo hirarka adeegyadani marayaan in ay keeni karto in ilmuhu ka soo dhaco.