Sababta Uu John Kerry Kulan Ka Dhacayey Qaramada Midoobey Ugu Soo Qaatay Inanta Uu Awoowga U Yahay

0
784

1New York (Geeska)- Dhacdo aan loo baran ayaa ay noqotay markii Jimcihii ina dhaafay xarunta guud ee qaramada Midoobey lagu arkay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry oo xambaarsan inan yar oo uu awood u yahay, xilli uu ka qayb galayey kulan ay 175 dawladood ku saxeexayeen heshiiskii Paris ee la xidhiidhay xakamaynta wasakhaowga hawada.

Isabel Dobbs Higginson oo laba jir ah, waxaa dhashay John Kerry inantiisa Alexandra, inta uu gudaha xarunta la soo galay ayaa uu dhabtiisa ku fadhiisiiyey markii uu heshiiska saxeexayey, arrintaas oo soo jeedisay indhaha hoggaamiyeyaashii iyo madaxdii dunida ee madasha fadhiyey.

Waxaana markiiba faallo iyo falanqayn ballaadhan lagu sameeyey sababta uu John Kerry inanta yar ula soo galay madasha ee weliba inta uu heshiiskan xakamaynta wasakhaynta hawada saxeexay isaga oo iyada dhabta ku haya kadibna uu dhunkaday, wasiirku wax jawaab ah kama uu bixin arrintan waxa se’ aakhirkii falanqayntu ku soo ururtay in ujeedada John Kerry uu arrintan ka lahaa ay ahayd farriin uu si dadban dunida iyo dawladaha caalamka ugu sheegayo in cimilada iyo deegaanku ay yihiin amaano jiilka hadda nooli gacanta ku hayaan oo ay tahay in ay u ilaaliyaan jiilasha soo socdo ee carruurtooda iyo kuwa ay sii dhaleen ah. Xeeldheerayaasha arrintan fasiray ayaa sheegaya in ay taasi tahay sababta markii uu heshiiska saxeexay uu u dhunkaday inanta uu awoowga u yahay, isaga oo horeba u siday oo mar hore dhunkaday ama dhunkan karayey.

Inantan yar ayaa shirka iyo dadkii ka qaybgalayeyba ku soo kordhisay xiise gaar ah, kaftan iyo dhoolla caddayn, markii uu awoowgeed dhunkadayna waxaa sacabka u tumay madaxdii madasha u fadhiday saxeexa heshiiskan.