Muraayad Haadda Labada Dhinac Kaga Taalla Baabuurta Oo Hadda Kadib Laga Maarmayo, Waxa Beddeli Doona

0
550

1Muddo ayaa ay Injineerrada gaadiidku ka fikirayeen sidii looga takhalusi lahaa labada muraayadood ee gaadhi kasta labada dhinac ka taagan, waayo waxaa la aaminsan yahay in murayaadahaas aad dhegaha mooddaa ay fool xumo ku yihiin baabuurta, laakiin hadda waxa ay u eeg tahay in maalmo koobani ka hadheen sii jiritaanka muraayadahaas, oo xal loo helay dhegahan ka lusha baabuurta, kadib markii shirkadaha baabuurta sameeyaa ay ku dhawaaqeen in ay farsamaynayaan baabuur muraayad hadda kaga maarmaya kamarado gaadhiga gudihiisa ku rakiban.

Faa’idooyin dhaqaale iyo deegaan:

Continental oo ah shirkadda ugu weyn shirkadaha soo saara aaladaha iyo qalabka kala duwan ee uu gaadiidku ka kooban yahay ayaa sheegtay in shaashado ku yaalla darawalka hortiisu ay beddeli doonaan muraayad hadda. War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa uu agaasimaha adeegga macaamiisha ee shirkaddan Dean McConnell ku sheegay in muraayad hadda oo laga daayo baabuurku faa’idooyinka ay leedahay ay ka mid yihiin in guuxa uu gaadhigu samaynayo marka uu hawada dhex jeexayaa uu yaraado, sidoo kale gaadhiga ayaa intii hore ka yara fududaanaya, maadaama oo meesha ay ka baxayso awoodda caabbiska hawada ee imika gaadhigu ku riixayo hawada soo qabanaysa muraayad haadda, taasina waxa ay dhimaysaa qiiqa ku imanaya cadaadiska badan ee saliidda (Laawarka gaadhiga), waana faa’ido dhinaca deegaanka ah, mar kale cadaadiska ay muraayad haddu keenaysaa waxa uu kordhinayaa shidaalka uu gaadhigu isticmaalayo, laakiin hadda intii hore waa uu ka yaraanayaa, tanina waa faa’ido kale oo dhinaca dhaqaalaha ah, faa’idada kale ee ku jirta shaashadahani waa in darawalku sida muraadayada uu wax uga arko si ka tayo badan kana weyn uu hadda u arki karo, faa’idada kale ee shaashaddu leedahay ayaa ah in darawalku uu wax ka arki karo masaafad ka fog inta muraayadda, waxaa iyaduna meesha ka bixi doonta dhibaatada qoyaanka, wasakhda, madowga habeenkii ama ilays-celiska qorraxdu ku samayso muraayadda dhammaantood laga nasan doono.