Cabdi Haybe Oo Xukuumadda Uga Digay Iibinta Xerada Birjeex Iyo Saldhiga Dhexe & Gurigii ‘Hargeisa Women’s Club’ Oo Uu Madaxtooyada Ku Xidhiidhiyay

0
529

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, gaar ahaana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa xukuumadda uga digay inay iibiso xerada birjeex iyo saldhiga dhexe ee Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inay doonayso inay xaraashto.

1

Cabdi Haybe Maxamed oo shalay ka hadlaayey munaasibad lagu soo dhaweeyey Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku soo biiray Xisbiga Waddani, ayaa sidoo kale tilmaamay in Xisbiga Kulmiye lagu hungoobay, waxaanu yidhi “Sida aynu la socono wadanka dhibaatooyinka ka socda waynu wada ogsoonahay, in dhulkii boob lagu hayo iyo guryihii dawlada imikana waxa la sheegayaa in xeryihii ciidamada la iibinayo, oo  saldhiga dhexe-na la iibinayo, iibkan socdaa waxa uu u muuqdaa si aan meesha waxba loogu soo gaadhin.

Meelahan iibka laga raadinayo ee xerada Birjeex waxa iska leh xaafada Axmed Dhagax waana halkii xaafadu u fidi lahayd markaa iib la iibiyo wax dhici kara maaha, xaafada Axmed Dhagax-na waa inay ka dagaalantaa, saldhiga Dhexe Jirde Aw Cali ayaa lahaa oo beertiisa ayey ka mid ahayd oo isaga ayaa dawlada siiyey markaa haday iib noqoto meeshaas waxa leh reerkii lahaan jiray oo beerta Jirde Aw Cali ayey ka mid tahay,.” ayuu yidhi Cabdi Haybe.

Isagoo ka hadlaya dugsiga Sheekh Bashiir iyo xarunta dumarka Hargeysa , wuxuu yidhi “Sheekh Bashiir ayaa la hadal hayaa in imika la iibinayo, waxaana ka sii daran haweenku Hargeysa waxay ku lahaayeen dugsi la odhan jiray iskuulka Dumarka oo women’s club la odhan jiray  kaana marwad koowaad ayaa qaadatay oo ku darstay aqalkii walaalkeed .

Dumarku saddex iskuul ayey  ku lahaayeen wadanka mid Hargeysa ah,  mid Burco ah iyo mid Boorama ah, kii Hargeysa waa taas marwadii qaadatay ee lagu kala tagay, waxyaalahan socda wax lagu soo gaadhi doono xisbigan Kulmiye garan maayo, waa Dulmiye waana Murdiye, xisbiga Waddani waxa weeyaan xisbiga kaliya ee maanta muuqda ee wadanka u baxaya.”