Khatarta Xanuun Siddeedii Dumar Ah Ee Kasta Mid Ku Dhaca, Laakiin Aanay Ogaan Inta Wax Laga Qaban Karo

0
651

1111111111111Washington (Geeska)- Khalhalka shaqo iyo xanuunnada ku dhaca qanjidhka hungurigu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha xanuun ee aadka ugu badan dumarka, nasiib-darrana aanay inta badan ogaan waqtiga ku habboon. Sidaa waxaa caddaysay cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey oo lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 60 dadka qaba cudurrada la xidhiidha qanjidhka dhuunta (Hungurigu: Thyroid) ma’ ogaadaan xilliga ku haboon daweyntooda.

Tiroobyo ay samaysay jimciyadda Maraykanka ee caafimaadka Qanjaha ayaa muujinaya in xanuunnada qanjidhka hungurigu (Thyroid) dumarku 5 illaa 8 jeer laab kaga badan yihiin ragga, iyo in Siddeedii dumara ee kastaba, mid ka mid ahi ay halis u tahay cudurkan, inta ay nooshahay.

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qof kasta oo xaaladaha xanuunkan isku arka, gaar ahaan dumarku ay sida ugu dhaqsaha badan isaga baadhaan, si ay u ogaadaan waqti weli wax ka qabashadiisu ay sahal tahay.

Calaamadihiisa:

Haddaba baadhis dheeraad ah oo uu Geeska Afrika ku sii sameeyey xanuunkan ayaa uu ku ogaaday in calaamadihiisa ay dadku ku kala duwan yihiin, gaar ahaan marka loo eego da’da, miisaanka iyo xaaladda caafimaad, waxase inta badan aad u soo baxa:

Daal joogto ah, burbur, dhaxanta oo uu qofku u adkaysan waayo, timaha oo data, maqaarka oo engaga qolofina ka kacdo, calool istaag joogto ah, miisaankiisa oo si aan dabiici ahayn u kordha qofka ama miisaankiisa oo si aan sabab lahayn hoos ugu dhaca, garaaca wadnaha oo yaraada, ama si aan habsami ahayn u garaacma, qoorta oo bararta, kartida fikirka iyo awoodda fahamka ee qofka oo hoos u dhacda, Tabar-darri ku dhacda muruqyada oo qofka uu dhaqaaqu dhibo.