Xiddigga Kubadda Cagta Ee Messi Oo La Kulmay Wiil Yar Oo Jacayl Uu U Qabo Dartii Bac Ka Dhigtay Garankiisa

0
580

1111111111111Kabul (Geeska)- Xiddigga kubadda cagta ee xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona, Lionel Messi ayaa dhowaan la kulmi doona wiil Shan jir ah oo u dhashay dalka Afgaanistaan, kaas oo maalmihii u dambeeyey bur-kulannada bulshada ee internet ka la isku dhaafsanayey sawirkiisa oo uu xidhan yahay bac leh midabka shaadhka xulka qaranka Argentina oo u dhabarka kaga qoran yahay magaca Messi iyo lambarka 10 ee uu ku ciyaaro

Afhayeen u hadlay xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Afgaanistaan, Sayid Cali Kaadimi, ayaa maalintii shalay sheegay in xidhiidhkoodu ay heleen farriimo e-mailka ay ugu soo direen Lionel Messi iyo Naadiga Barcelona oo ay ka codsanayaan in ay diyaariyaan kulan dhex mara wiilkan yar iyo Messi.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegaya in wiikan yar oo ku nool tuule ka mid ah gobolka baadiyaha ah ee Qazni (Ghazni) ayaa dareenka dunida oo dhan soo jiitay, kadib markii sawirkiisa lagu faafiyey isaga oo inta soo xidhay bac loo sameeyey siddayaal sida garanka ah dhabarka qalin qallalan lagaga qoray magaca xiddigan iyo lambarka uu ku ciyaaro. Aabihii oo la hadlay warbaahintuna waxa uu sheegay in wiilkan yari uu si aad ah u jecel yahay guud ahaan ciyaarta kubadda cagta iyo si gaar ah xiddiggan, markii uu in badan aabihii waalidkii ka codsanayey in garanka Messi loo soo iibiyo ee duruufaha deegaanka ay ku nool yihiin saamixi waayeen, uu aad uga xumaaday, mararka qaarkoodna saqda dhexe inta uu tooso oohin miciinsado. Wiilka yar aabihii waxa uu sheegay in muddo uu sidan ahaa kadib uu maalintii dambe soo helay bacdan oo uu gartay in ay u eegtay midabka shaadhka Messi, kadibna inta uu walaalihii oo ka waaweyn u yimid ka codsaday in ay garanka Messi uga dhigaan.

Wiilkan yar ayaa bacdan Messi uu isugu ekeysiinayo xidha marka uu kubadda ciyaarayo, waxa aanu caan ku yahay in guushiisa uu ugu dabbaal dego ereyo ay ka mid yihiin, “Anigu Messi ayaan ahay”