Talooyin Muhiim Ah Oo Aabe Waayo Arag Ahi Uu Siiyey Wiilkiisii Oo Noqday Gaashaan-Qaad (Q:2)

0
797

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay oo ka warramaysa aabo waayo arag ah oo dardaaran dhaxalgal ah u guntaya wiilkiisa oo noqday gaashaan qaad markaas dunidu u furantay oo diyaar u ah in uu bulshada dhex galo masuuliyadda noloshiisana dusha u rito

– “Ha isku dhejin illaa xadka aad aaminsan tahay aragtidaada ama go’aanka aad qaadatay, hana isku mashquulin illaa heerka aad ku qanacsan tahay saxnimadiisa, waxa aanad ogaataa in si kasta oo aad isula qumman tahay ay haddana suurtogal tahay in aad qaldan tahay”

– “Wiilkaygiiyoow, Dadku waxa ay kaaga go’aan qaadanayaan (Kugu xukumayaan) sida aad u eeg tahay. Waa run in ay taasi caddaalad darro tahay, (Qalad weeye) laakiin, waa sidaa sida ay dunida maantu u shaqayso, sidaa awgeed, taas niyadda ku hay subax kasta marka aad bixitaan u sii labbisanayso”

– “Wiilkaygiiyoow, weligaa naxariista iyo calool-dabaca ha ka tegin, kuna dadaal in aad mar kasta naftaada dhigto halka qofka aad la macaamilaysaa taagan yahay”

– “Wiilkaygiiyoow, Marka ay noqoto in aad xaas doorato, waxa aad ogaataa in aanad marnaba doorashada haween hooyadaa kaga wanaagsanaan karin” Dhammaad.