Nabar Yar Oo Qofka Macaanka Qaba Lugta Hoose Ka Soo Gaadha Ayaa Keeni Karaa Khatarta Ah In Lugta La Jaro

0
635

Picture8Berlin (Geeska)- Jimciyadda daweynta macaanka ee dalka Jarmalka ayaa ka digtay in nabarrada fudud ee qofka macaanka qaba lugta hoose ka soo gaadhaa ay keeni karaan khatar  ah in nabarku bogson waayo aadna u faafo, taas oo aakhirka keeni karta in qofka lugtaas laga jaro.

Jimciyaddu waxa ay caddaysay in dadka macaanka qabaa inta badan aanay dareemin nabarradaas yaryar oo ay ku baraarugaan uun goor dambe oo khalkhal ku yimid habsami u socodkii wareegga dhiigga ama neerfayaasha lugta oo dhaawac soo gaadho, taas oo ah xilli ay u dhowdahay in caabuqu uu sii fogaado xanuun badanna yimaaddo.

Khubarada ku xeeldheer daweynta macaanka iyo xaaladaha ka dhasha ee jimciyaddan ka tirsan ayaa dadka macaanka qaba u soo jeediyey in ay aad uga taxaddaraan in nabar ka soo gaadho lugaha, waxa aanay uga digeen in ay kaba la’aan ku socdaan xitaa guriga dhexdiisa iyo xitaa in ay xidhaan kaba furan sida Sandalka.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu dadka macaanka leh kula taliyeen in ay maalin kasta si joogto ah u hubiyaan cagahooda in uu nabar soo gaadhay xitaa haddii uu yahay nabar aad u yar, iyada oo ay fiican tahay in ay qof u kaalmaystaan arrintan si uu u eego meelaha aanay sida fiican uga bogan karin ee lugta hoose ah. Haddiiba ay dhacdo in qofku uu nabar uun isku arkana waa in uu si dhaqso ah ula xidhiidhaa dhahtarka.