Wiil 11 Jir Ah Oo Toddobaadkii Hore Ka Qayb Galay Fadhiga Golaha Guud Ee Qaramada Midoobey

0
571

Picture7New York (Geeska)- Intii ay socotay khudbaddii uu madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko ka hor jeediyey kulanka guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaa si kedis ah shaashadaha talefishannada looga arkay wiil yar oo ka mid ahaa dadka sida fiican u dhegeysanayey.

Wiilkan yar oo si sharci darro ah uu ku dhalay madaxweyne Alexander, magaciisu waa Nikolai, waxaana ka weyn laba carruur ah oo iyaga uu madaxweynuhu si waafaqsan sharciga dalkiisa u dhalay. Madaxweyne Alexander Lukashenko waxa uu caado ka dhigtay in uu wiilkiisan yar u kaxaysto munaasabadaha rasmiga ah iyo marka uu la kulmayo shakhsiyaad caalamiya. Sidoo kale waxaa marar badan la arkay isaga oo gacanta haysta mararka uu u baxo fasaxyada nasashada ah ee xagaaga.

Wiilkan yar ee Nikolai oo da’diisa lagu qiyaasay 11 sano jir intii ay khudbadda aabihii socotay waxa uu fadhiyey kuraasida loogu talogalay waftiga rasmiga ah ee la socda madaxweynaha, waxa aanu si gaar ah u dhex fadhiyey wasiirka arrimaha dibadda dalka Belarus iyo afhayeenka madaxtooyada. Nikolai waxa uu kamaradaha ka muuqanayey isaga oo si feejigan oo dareen qaan-gaadh u eeg u dhegeysanaya khudbadda aabihii. Dadka faalleeya xarakaadka jidhka aadamuhu bixiyaana waxa ay sheegeen in dhegeysiga Nikolai uu si gaar ah u feejignaa markii uu aabihii ka warramayey sida uu uga soo horjeedo farogelin milateri oo reer galbeedku ay ku sameeyaan Bariga Dhexe.

Madaxweyne Alexander Lukanshenko oo da’diisu 61 jir tahay waxa uu talada dalkaas hayey 21 sano oo ka soo bilowday 1994kii, waxaana lagu eedeeyaa in uu dadkiisa ku hayo gacan bir ah iyo meel ka dhacyo dhinaca xuquuqda aadamaha ah.

Dad badan ayaa aaminsan in wiilkan yar ee Nikolai uu madaxweynuhu aad u jecel yahay lagana yaabo in uu mustaqbalka La Doonayo Mansab Siyaasi Ah Iyo In Uu Ku Biiro Hoggaamiyeyaasha Dalka Belarus.