Beedku Waxa Uu Ragga Ka Ilaaliyaa Xanuunka Macaanka, Laakiin Qofka Qaba Noociisa Labaad Ha Yaraysto Cunistiisa

0
613

Picture6

Helsinki (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in beedka digaaggu uu ragga ka ilaaliyo xanuunka macaanka, gaar ahaan noociisa Labaad. Tijaabo iyo baadhitaanno caafimaad oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda University of Eastern Finland oo si gaar ah loogu ogaanayey suurtogalnimada in macaanku uu qofka ku dhaco.

Cilmibaadhistan intii la waday waxa ay xeeldheerayaashu muddo 20 sano ah tijaabooyin kala duwan ku sameeyeen Laba kun oo nin oo da’doodu u dhaxaysay 42 jir illaa 60 jir, kuwaas oo ay si joogto ah muddadaas ula socdeen cuntooyinka ay cunayaan iyo xaaladdooda caafimaad. Muddadaas waxa uu cudurka macaanka noociisa Labaad ku dhacay rag tiradoodu ka badan tahay 430 oo ka mid ahaa saambalkan tijaabada loo qaatay, markii si gaar ah loo sii baadhayna waxaa khubarada u caddaatay in ragga toddobaadkii celcelis ahaan cunay Afar xabbo oo beed ah in ay boqolkiiba 37 hoos u dhacday halistii ay u ahaayeen in uu ku dhaco cudurka macaanku, marka la barbar dhigo kuwa xabbad beed ah toddobaadkii cunay ama aan waxba cunin.

Waxaa xusid mudan in beedka digaaggu uu yahay cunto faa’idooyin badan u leh qofka, waxaa ku jira 6.5 Giraam oo Barootiin ah, 5.7 Giraam oo dufanka walaaqan (Fat emulsions), sidoo kale waxaa ku jira asiidhada muhiimka ah ee Amino acid, Faytamiinno iyo macdano jidhka lagama maarmaan u ah.

Digniin: Iyada oo ay sidaas tahay, haddana khubarada caafimaadku dadka macaanka noociisa labaad qaba waxa ay kula talinayaan in aanu badsan cunitaanka beedka, waayo waxa uu kordhiyaa fursadaha ah in qofka ay ku dhacaan xanuunno wadnaha ahi.