Talefannada Gacanta Ee Iphone S6 Iyo S6Plus Oo La Ogaaday In Ay Adkaysi Badan U Leeyihiin Biyaha

0
617

Picture9

Washington (Geeska)- Tijaabooyin la sameeyey ayaa xaqiijiyey in talefannada gacanta ee Apple iPhone S6 iyo S6 Plus ay iska caabbin karaan biyaha aanay guntoodu aadkau fogeyn, waxa aanay tijaabooyinkani muujiyeen in talefannadani ay biyaha ku dhex jiri karaan muddo hal saac ka badan iyadao o asanay wax dhibaato ahi soo gaadhin.

Tijaabo muuqaal ah oo uu Zach Straley (https://www.youtube.com/watch?v=t_HbztTpL08) soo dhigay kanaalkiisa shabakadda Youtube ayaa uu si muuqata ugu tijaabinayaa adkaysiga ay talefannada gacanta ee iPhone S6 iyo S6 Plus u leeyihiin biyaha, isaga oo laba talefan oo cusub dhex dhigaya weel biyo uu ka buuxiyey.

Si kastaba ha ahaato ee warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in shirkadda Apple aanay marnaba sheegin in labadan Mobile ay adkaysigaas badan ee hadda la arkay u leeyihiin biyaha, waxaa iyaduna la mid ah saacadda Apple Watch oo dad badan oo isticmaalaa ay sheegeen in ay biyaha u adkaysan karto.