Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Oo Cadeeyay Inuu U Tartamayo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Jaamac-shabeel Oo Sheegay Inuu Wakhtigeeda Sugayo

0
580

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) ayaa cadeeyay inuu isu soo taagi doono guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE oo uu ergada golaha dhexe weydiisan doono in xilkaas loo doorto. Doorashada guddoonka golaha dhexe ayaa noqon doonta shaqada koowaad ee ay ergada golaha dhexe ee KULMIYE qaban doonto marka la isu yimaado 10 November, haddii Alle idmo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere oo uu Geeska Afrika xalay weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inuu isu sharixi doono guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa yidhi  “Haa Musharax ayaan ahay, waan isa soo sharaxaya, waxaana isku soo sharaxaya Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, in aan isa soo sharaxa xaq ayaan u leeyahay, waana hami igu dhashay.” ayuu yidhi xildhibaanka oo xalay u waramay Geeska Afrika. Guddoomiyaha golaha dhexe ee wakhtigan ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo isna ay wararku sheegayaan inuu mar labaad tartami doono ayuu Geeska Afrika weydiiyay inuu isa soo sharaxayo, waxaanu ka gaabsaday inuu mawqifkiisa cadeeyo, isagoo hadal ku gaabsaday,   “Ha la gaadho wakhtigeeda, ha la gaadho wakhtiga loo cayimay Shirka Golaha Dhexe markaas ayaan ka hadli doonaa, laakiin imika ka hadli maayo.” ayuu yidhi Mr. Shabeel.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa saadaalinaya in garabyada ku hirdamaya musharaxnimada xisbiga KULMIYE ay marka u horaysa ee uu shirku furmo ku tartami doonaan jagada guddoomiyaha golaha dhexe, taas oo garabka ku guulaystaa uu fursad u heli doono inuu majaraha u qabto shirka golaha dhexe.