Arrimo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Laga Qoomamoodo (Q:3aad)

0
541

Hargeysa (Geeska)- Waa  Qaybtii saddexad ee qormadii uu Geeska Afrika ku eegayey dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana uu ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.

7. Bal maan dadka igu xeeran jacaylka aan u qabo u sheegto: Qof kasta oo innaga mid ahi waxa uu jecelyahay in la qaddariyo, laakiin dad aad u yar ayaa dadka kale iyaguna qaddarin iyo ixtiraam u muujiya, isaga oo sidaas ah ayaa uu haddana qof kastaa jecel yahay in uu wanaag iyo macaamil fiican ka helo dadka kale oo dhan, waxa uu rabaa jacayl iyo kalgacal aanu mid la mid ah la iman, iyo daryeel aanu isaguba bixin.

Waxaa in badan dhacda in waalidku uu ku dadaalo in ilmihiisa aanu waxa jacayl ah u muujin, isaga oo laga yaabo in uu ka dayayo edbin iyo in aau ilmuhu sida qaldan uga faa’idaysan jacaylkiisa, taasi waxa ay mararka qaarkood keentaa in ilmuhu qaato faham qaldan oo ah in aanu waalidkaasi jecelayn. Hadhow marka uu waalidku bukoodo ama ilmuhu geeriyoodo waxa uu waalidkaasi qoomameeyaa in aanu maalinna ilmihiisa jacayl tusin, lammaanaha isqaba qudhoodana taasi waa ay ku dhacdaa.

8. Xoolihii iyo adduunkii ku soo maray oo aad ku loofartay: Aadamaha dabeecaddiisa weeyaan in uu wax kasta oo wanaagsan oo uu helo siyaado ka raadiyo, dadka inyar ayaa awoodda in ay qaddariso arsaaqada ballaadhan ee soo gashay sida saxda ahna uga faa’idaysato, ta’ uu hayaa uma muuqato ee siyaado kale ayaa uu raadiyaa ama mid qof kale haysto hunguriga u taagaa. Dadka badankoodu lacagta badan ee so gasha xisaab iyo caqli kuma isticmaalaan, dhibtuna waxa ay timaaddaa marka uu gaboobo ee taladu gacantiisa ka baxdo ama lacagtu ka baxdo, markaas ayaa uu qoomameeyaa barwaaqada soo martay ee aanu ka faa’idaysan.

9. Fiicnaan lahaydaa in aan jidhkayga iyo caafimaadkayga daryeelo: Dadka badankoodu inta ay dhalinyarada yihiin ama xoogga is bidayaan ma daryeelaan caafimaadkooda, waxaa jirta fikir qaldan oo ah in qofku uu xaaladdii caafimaad xasuusto, dhakhtarkana raadiyo keliya marka uu xanuunsado. Da’ kasta oo uu qofku joogaa waxa ay u baahan tahay xaalado caafimaad oo u gaar ah, tusaale ahaan marka uu dhasho ilmuhu waxaa jira shaybaadho iyo hubin caafimaad oo muhiim u ah. marka uu da’da uu koritaanka qofku aadka u socdana shaybaadh u gaar ah ayaa ay u baahan tahay, da’da dhexe qudheedu waa la mid ah dhiig-kar, macaan, wadne, kelyo iyo beer xanuun iyo xanuunno la mid ah in laga baadho qofka ayaa muhiimka, marka uu waayeel noqdana waa sidaas oo kale oo xaalado u gaar ah ayaa laga baadhi.

In qofku uu yaraanta ku dayaco daryeelka caafimaad ee ku habboon, waxa ay dhibteedu ku soo baxdaa marka uu da’ noqdo, tusaale ahaan miisaankii uu dhalinyaronimada ku ridi waayey marka uu weynaado ayaa uu dhibaa, xaaladaha caafimaad ee kalana waa la mid, waana markaas marka uu qoomameeyo daryeel la’aanta jidhkiisa iyo caafimaadkiisa ee uu ku soo jiray. La soco…