Kulan Dhex Maray Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada

0
520

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddiga joogtada ah ee aqalka wakiillada Somaliland, ayaa shalay kulan xog waraysi ah la yeeshay Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaana lagu lafo guray halka ay marayaan mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa. Guddoomiye kuxigeenka guddida xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, ayaa markii kulanku dhammaaday saxaafadda u sheegay inay warbixin waafi ah oo ku saabsan qorshaha biyo balaadhinta ee Hargeysa ka heleen Maareeyaha wakaaladda.  “Guddida halkan joogtaa waa guddidii joogtada ahayd oo kulan la yeeshay maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaanu wax ka waydiinay baahida biyaha ee wakhti xaadirkan Hargeysa taala iyo duruufaheeda iyo wixii iska bedeli kara mustaqbalka. Warbixin aad u faahfaahsan buu naga siiyay arrimahaas, su’aalo  badana xildhibaanadu way ka waydiiyeen arrimaha jira, jawaabo waafi ahna wuu na siiyay, intaas baanu kulakayagu ahaa” ayuu yidhi guddoomiye xigeenka guddidu. Ibraahin Siyaad Yoonis, Maareeyaha wakaaladda biyaha ayaa isna sheegay in guddida xog waran ka siiyeen mashaariicda biyaha ee hadda socda, qorshaha Mustaqbalka iyo hawlaha wakaaladdu u xilsaaran tahay. Waxa uu sheegay inay tafaasiil ka bixiyeen waxyaabaha mudaneyaasha madmadowgu kaga jiray. Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaanay inta badani helin biyaha qasabadaha, waxaanay ku tiirsan yihiin Booyadaha oo biyaha uga soo dhaamiya dooxyo ka fog magaalada Hargeysa.