Maadayska Juxa: Deyntii Alle Kugu Lahaaba Haddii Aad Si Fiican U Bixin Weyday, Ma’ Tayda Ayaad Bixin?!

0
523

Hargeysa (Geeska)- Waa mar kale iyo qisaskii maadayska ahaa ee uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaybo ka mid ah sheekooyinka qosolka iyo xikmadda isugu jira ee laga reebay Juxa. Qisadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogayna waxa ay odhanaysaa;

Juxa ayaa beri furtay meherad lagu iibiyo khudaarta, maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo meheradda iibinaya waxa u timid gabadh ka mid ah dadkii tuulaha iyada oo ka doonaysa in uu deymiyo midhadh xabxab ah. Juxa waa uu aqbalay dalabkii gabadhan, sidaa awgeed inta uu mid ka mid ah xabxabkii inyar ka soo jaray ayaa uu u dhiibay si ay isaga dhadhamiso. Laakiin gabadhii ayaa diiday in ay dhadhamiso, iyada oo u sheegtay in ay sooman tahay.

Juxa oo aan hore u fahmin ama xikmad kale ka leh ayaa gabadhii weydiiyey soonka ay sooman tahay waxa uu yahay, maadaama oo aan lagu jirin bil soon. Gabadhii waxa ay Juxa u sheegtay in soon hore lagu lahaa, oo ay hadba in yar qallayso.

Juxa inta uu soo booday oo uu si xoog  badan xabxabkii yaraa uga soo dhuftay ayaa uu ku yidhi, gabadhii, “I dhaaf ku amaahin maayo ee” intaa kuma uu joogsan ee waxa uu u sii sheegtay sababta aanu u amaahinayn oo uu yidhi, “Rabbigii ku abuuray ayaad deyntiisii si fiican isaga gudi weyday oo aad kolba in yar bixinaysaa ee aniga deyntayda ayaad bixinaysaa?!!”