Cuntooyinka Wis-wiska Leh Ee Ay Jeclaayeen Keli-Taliyeyaashii Dunida Ugu Caansanaa Qarniga 20aad

0
724

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 2aad ee uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya oo soo qaadatay qaybo ka mid ah buuggga Dictators' Dinners: A Bad Taste Guide to Entertaining Tyrants oo soo bandhigay cuntooyinka wiswiska leh ee ay aad u jeclaayeen qaar ka mid ah Keli-taliyeyaasha qarnigii 20naad dunida soo maray.

Adolf Hitler: Waxa uu ahaa hoggaamiyihii madaxa adkaa ee dalka Jarmalka, 11 sano oo u dhexeeyey 1933kii illaa 1945 kii oo xoog ay ciidamadii isbahaysigu xukunka kaga tureen waxa uu ahaa ninka ugu awoodda badan dunida, waxa aanu gacan bir ah ku hayey xisbigiisa markii dambe dunida oo dhan laga mamnuucay ee NAZI.

Adolf dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeday dalka Austria waxase uu ku dhashay jinsiyaddiisuna ahayd dalka Jarmalka. Muddadii uu xilka hayey dagaalo badan ayaa uu galay, waxase si gaar ah loogu xasuustaa dagaal weynihii adduunka ee labaad iyo weliba xasuuqii Yuhuudda badan uu ku dilay ee Holocaust ku caan baxay.

Hitler waxaa la sheegaa in aanu cuni jirin hilibka oo cuntadiisa uu ugu jecel yahay ay ahayd khudradda, laakiin haddana waxa uu aad u cuni jiray shimbirta xamaamka loo yaqaannaa marka ay markaas uun beedka ka dillaacdo. Shimbirta yar inta uur ku jirta laga soo tuuro oo gudaha loogu cabbeeyo beer iyo carrab xoolaad iyo weliba laws, kadib inta dib loogu xidho ayaa lagu dubi jiray sidaas.

Arrinta kale ee xiisaha leh ee uu buuggani ka sheegayo hoggaamiye Hitler waxa ay tahay in dhakhtarkiisii gaarka ahaa oo lagu magacaabi jiray Theodor Morell uu u qori jiray 28 dawo oo kala duwan. Dawooyinkaas uu dhakhtarku sida joogtada ah ugu qori jiray Hitler, mid ka mid ah waxa uu ka samayn jiray kaadida ragga beer-qodayaasha ah ee dalka Bulgaria.

Benito Mussolini: Waxa uu ahaa siyaasi, saxafi, iyo weliba hoggaamiyihii xisbigii Faashistiga ahaa ee National Fascist Party. Waxa uu ahaa keli taliye dalka Talyaaniga gacan bir ah ku hoggaaminayey intii u dhaxaysay 1922kii illaa 1943kii oo xoog lagaga tuuray xukunka.

Mussolini cuntada uu ugu jecel yahay waxa ay ahayd baradho la shiiday (Ridqay), sidoo kale waxa uu aad u cuni jiray toon inta la burburiyey lagu qooyey saliid iyo dareerayaal dhannaan (Sida liin dhanaanta).

Joseph Stalin: Oo noolaa intii u dhaxaysay 1879kii illaa 1953kii, waxa uu ahaa hoggaamiye gacan kulul oo 13 sano hoggaaminayey dalkii awoodda badnaa ee Midowga Soofiyati. Stalin oo xilligaa uu talinayey aad looga baqan jiray, dadka ka ag dhowaa waxa ay sheegaan in uu jeclaa in marka cidi booqato in uu casho ku casuumo. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in waqtiga casho ee uu Stalin dadka la ballami jiray uu ahaa inta u dhaxaysa 11ka habeennimo illaa 5 subaxnimo, waqtigaas oo uu la kulmi jiray waftiyada muhiimka ah, masuuliyiinta dowladdiisa iyo cid kasta oo uu dan u leeyahay.

Waqtiga dhibta badan oo keliya ma’ay ahayn mushkiladda casuumadda Stalin ka jirtay, balse waxaa dheeraa in cuntada keliya ee uu casuumadda keeni jiray si loola wadaagaa ay ahayd cuntada uu isagu shakhsi ahaan jecel yahay. Waxa aanay cuntadaasi ahayd, digaag lagu dhex kariyey laws iyo xawaashyo kala duwan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Stalin isaga oo cuntadan dad badani dhibsan jireen marti la wadaagaya, ayaa ay xaaladdiisa caafimaad si kedis ah u xumaatay. Waxa ay ahady bishii Maarij 1953juu markii isaga oo marti la cashaynaya si kedis ah loo qabtay, markiiba cisbitaalka ayaa loola cararay, laakiin afar maalmood markii uu yaallay ayaa uu geeriyooday isaga oo 75 jir ahaa, kadib markii uu dhiig maskaxda kaga furmay.