Xildhibaan Buubaa Oo Sheegay In Siyaasad Xumada Xukuumadda Madaxweyne Silanyo Keentay Tabashada Reer Awdal iyo Suldaanka Falaagoobay

0
546

Picture8Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xaalada dib uga soo cusboonaatay gobalka Awdal oo dhawaan suldaan ka tirsan madax dhaqameedka gobalkaasi uu ku dhawaaqay in uu ka goostay Somaliland,waxaana ay masuuliyada arrintaasi ay eedeeda dusha u saareen xukuumada hada talada dalka haysa oo ay tilmaameen in ay hore uga gaabisay in ay wax ka qabato tabashadii ay madax dhaqameedka gobalka Awdal ay ula yimaadeen,isla mar ahaantana ay cadhadii ka dhalatay sabab u ahayd in Suldaan Waber oo ah Suldaanka ku dhawaaqay in uu gooni uga goostay Somaliland uu talaabadaas qaado.

Xildhibaanadan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa,waxaana ay tilmaameen in ay si xooga ay u cambaaraynayaan ciidamada ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo dul gaysay gobalka Awdal iyaga oo tibaaxay in aan arrintaasi aanay ahayn talaabo xal loogu raadin karo arrintaasi.

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay:"Marka hore waxaanu jecel nahay in ka xisbi ahaan aanu umadda gobalka Awdal aanu ugu baaqno in nabad galyada la illaaliyo, waxaanu se jecel nahay in arrinta muhiim ah ee arrintani ka dhalatay oo ah in la taabto in madax dhaqameedka dhamaanba gobaka Awdal iyaga oo tabasho iyo cabashaba qaba ay u yimaadeen xukuumada, madaxweynahana ay la kulmeen, cabashadoodii wax tix galin ah oo xukuumadu siisay haba yaraatee may jirin, isla markaana waxaa ay u magacawday gudi, ay ka mid yihiin xubno wasiiro ah, oo ah kuwii ay ka cabanayeen, madax dhaqmeedka gobalka Awdal, arrintaasi waanu ku cambaaraynaynaa xukuumada, siyaasad xumada ay arrintaasi kula dhaqan tay madaxdhaqameedka iyo wax garadka gobalkaa Awdal, waa ta keentay in suldaankaasi cadho darteed, uu maanta ugu dhawaaqo erayadaa,waxaana aanu leenahay arrintaas waxaa masuuliyadeeda leh, dambigeeduna uu saaran yahay xukuumada Axmed Siilaanyo, sababta oo ah iyada ayaa ka masuul ah guud ahaanba nabad galyada dalka,iyada ayaa ka masuul ah dhamaanba gobalada dalka Somalilnd oo dhanba, cabashooyinka madax dhaqameedka iyo dadka wax garadka ah ee beelaha ka soo kala jeeda ama gobalada dalka ka soo jeeda ay qabaan, xaqbaa ay ugu leeyihiin in ay xukuumadu ay xaliso, isla markaana waxa ay ka cabanayaan ay xaqiiqda taabsiiso oo ay uga garawdo oo waxii markaa ay ka qaban karto ee la gudboon ay ka qabato”Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:“Farsamo xumaantii ay arrintaa xukuumadu u adeegsatay ayaa keentay marka hore in ninkaa Suldaanka ah talaabooyinka uu ku dhaqaaqay uu ku kaco,wax maaha dibada nagaga yimi, cadaw shisheeye kama danbeeyo, cid kale oo maanta fara galin ku haysaa maanta ma jirto, waxaa ay arrintaasi ay maanta u baahan tahay in salka loo dhigo, uma baahna cago juglayn, uma baahna cudud mila tari,uma baahna xoog ciidan oo lagu dayo,uma baahna xadhig iyo qabqabasho oo dadka la dabo dhigo CID iyo in la yidhaahdo habeenkii RRU-du ha u daadato oo ha u dhacdo,waxay u baahan tahay arrintaasi caqli fayoow iyo maskax fayoow ayey u baahan tahay.Tabashada ay beeshaas iyo madax dhaqameedkaasi ay qabaan in xal laga gaadho marka hore, haddii taa la xaliyo marka hore ay soo af-go'ayso ayaan anagu aamin sanahay xisbi ahaan.Xukuumada waxaan leenahay mar labaad iyo mar saddexaad-ba u sheegaynaa in Awdal ay horeba u joogeen boolis,milatarina waa uu jooga,asluubtiina waa ay joogtaa, ciidan ku filan waa ay joogta. maanta se waxa looga dayriyo oo dubaabado iyo kaarayaal inta halkaa laga kaxeeyo oo laga dhaqaajiyo oo la geeyo galbeed oo deedna dadka inta la dul geeyo oo la dul joojiyo, waxaan u aragnaa uu arrin fawdo sii kicinaysa,waxaan u aragnaa arrin xaalada abuur ah, waxaan u aragnaa in xukuumada laftarkeedu ay gobalkaa laftarkiisa ay fawdo abuur ka wado”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale oo isna sida oo kale halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in uu aad u cambaaraynaayo ciidamada ay xukuumadu dul gaysay gobalka awdal, waxaana uu tilmaamay in talaabadaasi wax ay xumayso mooye aanay wax soo dhaweynayn, sidaas daraadeedna  ay ugu baaqayaan xukuumada hada talada dalka haysaa in ciidamadaasi ka soo dulqaado gobalka awdal.

“"Waad arkayseen in salaadiintii Awdal oo dhan ee mijaha u ahaa gundhiga qaranimada Somaliland ayey dhabarka u sii jeedinyeen oo ay la hadli waayeen ee gobalka Awdal ka yimi, maanta Awdal wax kasta oo ka dhaca xukuumada ayaa lagu eedeynayaa, waana aanu riixaynaa in dalka doorasho ay ka dhacod oo Md:Axmed Siilaanyo uu iska dhamaysto intaa u hadhay dumar iyo caruur ayaa darajadii ka qaatay, waad duqowday ku canaanan mayno Illaahaybaa keena,waad xanuunsanaysaa odhan mayno Illaahaybaa keena, laakiin dadkaa dadka dhinaca ay doonaan u jiidh jiidhaya ee dumar iyo caruurba leh.Umada reer Awdal waa umad ku qanacsan in ay dadkan iyo dalkan ay wax la leeyihiin, laakiin quja qujaynta ayaa wax sii fogeynaysa oo shalaybaa salaadiintii cabanaysay ee cabashada ula timi Siilaanyo oo hada maraysa Shan bilood ku dhawaad, aan jawaab laga bixinin, gudidii loo saarayna waxba may keenin. hadana waxaa ay dumarku amrayaan ayaa meeshii hadana sii galay, dadkuna haday mar gadoodaan walaa ciidan ayaan shaqaynayn walaa futuud kale ayaan shaqaynayn maanta dagmo yari haday inagu kacdo dalkani ma jiri karo, dadkun maslxad iyo wada hadal ayey ku wada joogaan, in taa la illaaliyana waa mid qasab ah laakiin waxyaabaha sii fogaynaaya ee ay ka midka yihiin ciidanku waa dhaliisha ugu weyni halka ay taalo waana aanu cambaaranaynaa"Ayuu yidhi Cabdiqaadir Tukaale.