Hooyada Sigaarka Cabtaa Wiilasha Ay Dashaa Waxa Ay U Dhow Yihiin In Ay Ma Dhalays Noqdaan

0
763

Sydney (Geeska) Cilmi baadhis cusub oo ka soo baxday dalka Australia ayaa daahfurtay in hooyada sigaarka cabta xilliga ay uurka leedahay ama ilmaha naaska jaqsiiso uu mustaqbalka khatar caafimaad darro ku keeno ilmaha labka ah, una dhow dahay in uu ku sababo ma dhalaysnimo, maadaama oo sunta sigaarku ay saamayn toos ah ku yeelato unugyada xiniinyaha taasna ay ka dhalato in ay yaraato tirada noolaha manida ah ee mustabqalka ku samaysmayaa. Cilmibaadhayaashan oo ka tirsan jaamacadda Newcastle ee dalka Australia ayaa Arbacadii toddobaadkii ina dhaafay u caddeeyey majaladda Human Reproduction Journal oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay in tijaabooyin ay jiir ku sameeyeen ay u xaqiijisay in hooyada sigaarka cabtaa ay dhibaato weyn oo caafimaad u geysato hab-dhiska neefsiga ee carruurta wiilasha ah, taas oo saamayn taban oo xun ku leh jiilasha hadda kadib soo socda.

Bare-sare, Eileen McLaughlin oo ah agaasimaha xarunta cilmi baadhistat Kiimikada iyo bayoolojiga ee jaamacadda Newcastle oo natiijadan sii faahfaahinayey ayaa yidhi, “Waa aynu ognahay in sigaar cabbista xilliga uurku ay khatar ku tahay caafimaadka ilmaha uurka ku jira, taas oo keenaysa in ay dhashaan ubad aad ugu nugul guud ahaanba cudurradu” isaga oo intaas ku sii daray, “Wiilasha ay dhalaan hooyooyin sigaarka cabba, mustaqbalka manidooda (biyahooda) waxaa aad ugu yaraada noolaha, taas oo daciifisa bacariminta. Waana suurtogal in mustaqbalka xaalkoodu sii xumaado oo ay gaadhaan heer ma dhalaysnimo.