Aabayaasha Koonfurta Sudan Hablahooda Oo Da’ Yar Ayey Qasab Ugu Guuriyaan Odayaal Ay Lo’ Badan Ka Qaadeen

0
619

Picture8Juba (Geeska)- In hablaha lagu guursado da’ aad u yari waa dhaqan caadi ka ah dalal badan, laakiin dalka Koonfurta Suudaan waxa uu dalalkaas dheer yahay in waalidiintu ay qaab ganacsi u eeg hablahaa da’da yar ku doonaan xoolo badan. Gaar ahaan marka laga hadlayo bulshada reer baadiyaha ah ee dalkaas oo boqolkiiba 40 hablaha ka yar 18 jir ay guursadaan rag aad uga da’ weyni. Waalidiin badanina waxa ay hablaha u arkaanba in ay yihiin maalgashi ay dhaqaale buuran ku heli doonaan marka ay xilliga guurka gaadhaan. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera waxa uu arrintan tusaale ugu soo qaatay gabadh yar oo 15 sano jir ah, oo sannadkii 2009ka loo guuriyey nin aad u weyn. Gabadhan yari waxa ay sheegtay in qoyskoodu ay qasab ugu guuriyey odaygan 52 sano jirka ah oo xoolaha u raaci jiray dadka deegaanka si uu mushqaayad uga qaato. Waxaa intaas dheeraa in odaygani uu lahaa saddex xaas ooo ka horreeyey inantan yar iyo carruur badan. “Saddexda dumar ah ee kale waa ay iga da’ weynaayeen, sidaa awgeed waxa ay hinaase iyo cadho badan ka qaadeen markii ay ka war heleen in uu iyada ugu jecel yahay” ayaa ay tidhi, inantan yari.

Ninka gabadhan yar lagu qasbay waxa uu meher ahaan u bixiyey 50 neef oo qoyskeedu ay qaateen. Waxa aanay sheegtay in ay waxbarashada ku fiicnayd sidaa awgeed ay qoyska ka dalbatay in guurka dib looga dhigo, laakiin ay ka diideen qoyskeeda oo doonayey in ay dhaqso u qaataan meherka laga bixin doono oo ahaa 50 neef oo lo’a. Margaret Miscue oo ah agaasimaha Guddida daraasaadka ee hayad xuquuqal Insaanka dalka Koonfurta Suudaan u doodda ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee dadkan ku kallifaysa guurkani ay tahay waalidiinta oo dhaqan ahaan aaminsan habluhu ay yihiin il-dhaqaale oo ay ka heli karaan lo’ badan. In xaalku sidaas yahayna waxaa caddayna waalidiinta xoolaha badan leh oo iyagu hablahooda da’da yar aan u guurin. Margaret waxa ay sheegtay in sababaha guurka loo dedejinayo ay ka mid tahay aabaha oo ka cabsi qaba haddii aanu inanta dhaqso u guurin oo ay guriga sii joogto in ay suurtogal tahay in ay wiilasha faceeda ah isbartaan kadibna ay iska guursato, si taas looga hortago oo aanu u waayin xoolaha uu ku heli lahaana waxa uu markaba ka shaqaynayaa in uu nin waayeel ah isagu u soo xulo kadibna lo’daas tirada badan ka qaato.