Jacaylka Aragtida Koowaad Waa La Iska Hidde-Raacaa

0
988

Washington (Geeska)- In kasta oo aanay jirin qeex rasmi ah oo jacaylka lagu calaamadin karo, haddana waxa hubaal ah in uu noocyo badan yahay. Jacaylku waxa uu ku yimaaddaa isfahamka iyo macaamil dheer oo dhex maray lammaanaha, waxa uu ku yimaaddaa u kuur gelis iyo ka daba shaqayn muddo dheer uu lammaahana midkood ku hayo kan kale, laakiin waxa jira jacayl kale oo ah jacayl aragtida koowaad ku dhasha, halku dheg carbeed ayaa yidhaahda Jacaylku waa aregtida koowaad.

Noocyadan kala duwan ee jacaylku uu ku yimaaddo waxa ugu yaab badan kan u dambeeyey ee ah in qofka isla marka uu arko qofkan kale uu jeclaado. Haddaba jacaylka noocan ahi ma'aha mid ku yimaadda doonista qofka ee keliya waxa uu ku yimaaddaa hidde. Cilmibaadhis natiijadeeda dhowaan la faafiyey ayaa daahfurtay in jacaylka aragtida u horreysa ahi yahay hidde. Taas oo macnaheedu noqonayo in rag iyo dumar badan oo uu jacayl hayo uu jacaylkoodu yahay mid hidde ah oo sida dabinka ay ula kulmeen uun. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Majallada Genetics ee ka faalootay cilmiga hiddaha oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa qortay in aqoonyahanno u dhashay dalalka Maraykan iyo Australia ay baadhitaan cilmi ah kadib ogaadeen in uu jiro hidde-side ka qayb qaata jacaylka iyo is jamashada dhex marta lammaanaha kala jinsiga ah, hidde-sidahani waxa uu saamayn ku leeyahay go'aanka uu lammaanaha midkood ku gaadhay in uu nolosha la wadaago kan kale isaga oo isla markaana raad ku yeesha qaabka taran ee mustaqbalka.

Xeel-dheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in tijaabada daraasaddan ay ku sameeyeen nooc ka mid ah duqsiga oo loo yaqaanno duqsi khudradeedka. Waxa ay khubaradu sheegeen in daraasaddan ay ku ogaadeen in ay jirto maaddo hidde ah oo dhediggu soo daayo, taas oo nooc uun ragga ka mid ah si aan xad lahayn u soo jiidata. duqsigan tijaabada lagu sameeyey ayey khubarada Saynisku aaminsan yihiin in uu yahay kan aadamaha ugu dhaw dhinaca hidde-sidayaasha.