4 Jeer Oo La Isku Dayey In Qabriga Nebiga (SCW) La Soo Faqo Iyo Sida Mucjisada Ah Ee Alle U Badbaadiyey (1)

0
582

Hargeysa (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey dunidad guud ahaan dunida muslimka ee aynu ka midka nahay iyo si gaar ah dalkeenna uga dhex socday doodo iyo guux la xidhiidha wararka dhowan la baahiyey ee sheegayey in dowladda boqortooyada Sucuudigu ay waddo qorshe ay ku doonayso in ay dib u soo faqdo qabriga Neb Muxammed (SCW) si jidhkiisa barakaysay loogu aaso meel aan cidi garanay ama xabaalaha loo yaqaanno Baqiic ee ay ku aasan yihiin inta badan ee asxaabtii Nebiga (Alle ha ka raalli ahaado), taas oo lagu macneeyey in looga fursan waayey ballaadhinta uu muddooyinkii u dambeeyey Sucuudigu ku waday Masjidka Nebiga ee uu ku dhex yaallo qolka uu ku aasan yahayna. In kasta oo ay soo baxday xaqiiqada ah in warkaas sheegaya qorshaha soo faqista qabriga Nebigu (SCW) uu yahay war been abuur ah oo buunbuunintiisa ay lahaayeen wargeysyo ka soo baxa dalka Ingiriiska, oo si qaldan u soo turjumay daraasad arrintaas la xidhiidha oo uu Sheekh Sucuudi ahi 2 sano ka hor soo saaray, warbaahinta dunida muslimkuna ay si degdeg ah u qaadatay warkii oo aanay aad isaga hubin.

Si kastaba ha ahaato ee soo bixitaanka warkaasi waxa uu qof kasta ku abuuray xiise la xidhiidha in uu bal ogaado in ay horeba u dhacday in la isku dayey soo faqista qabriga Nebiga (SCW) ujeedo kasta oo laga lahaaba, wargeyska Geeska Afrika oo arrintaas ka jawaabaya, jecelna in uu akhristayaashiisa la wadaago xogta iyo taariikhaha xiisaha leh ayaa soo diyaariyey qormadan dhowrka cadad taxanaha ahaan doonta oo soo bandhigaysa dhowr qiso oo ah marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay.

Maxaa marka horeba keenay in Qabriga Nebigu (SCW) uu gudaha u galo Masjidka?

Sida ku cad taariikhda Islaamka Nebigu (SCW) markii uu ka soo haajiray magaalada Makkah ee uu u dhashay oo uu u adkaysan waayey dhibta ay tolkii ku hayeen, waxa uu u soo haajiray magaaladan iyaduna barakaysan ee Madiina oo si aad ah loogu soo dhoweeyey, qabiilooyinkii deggenaa cududdooduna ay isku raaceen in ay rumeeyaan Nebinimada Muxammed (SCW) diintiisana qaataan. Hawshii ugu horreysay ee uu Nebigu ka qabtay Maddiina waxa ay ahayd in uu Masaajid weyn ka dhisay halkii ugu horreysay ee ay fadhiisatay Hashiisii amranayd ee uu kaga soo haajiray Makka. Haddaba Masjidkan waxaa ku xeernaa qolal ay deggenaan jireen xaasaskii Nebiga (SCW) oo mid kastaa uu lahaa albaab toos u soo gala Masaajidka si guri kasta oo uu habeenkaa ama maalintaa joogaba ay ugu suurtogasho in uu xilliyada salaadda si toos ah ugu soo baxo masjidka.

Nebi Muxammed (SCW) waa uu geeriyooday waxa aanu ku geeriyooday qolkii ay deggenayd xaaskiisii Caa’isha (Alle Raalli ha ka ahaado) oo uu maalmihii u dambeeyey noloshiisa ee uu bukay uu jiifay. Markii ay asxaabtii Rasuulku isu timid si ay u aasaan Zayidkii umadda, waxa ay ku kala aragti duwanaadeen halka ugu habboon ee ay tahay in lagu aaso, fikrado badan ayaana la keenay, laakiin iyada oo murankii taagan yahay ayaa waxaa goobtii yimi asxaabigii weynaa ee Abu Bakar Siddiiq (Alle Ha ka raalli ahaado) oo asxaabtii u sheegay in uu isagu hayo xalka arrintaas, waxa aanu u sheegay hadal uu ka maqlay Nebiga (SCW) oo ahaa in Nebi kastaa marka uu geeriyoodo lagu aaso halka ay naftu kaga baxdo. Khilaafkii halkaas ayaa uu ku hadhay oo inta furaashkii maydka Nebigu saarnaa kor loo qaaday ayaa xabaashiisii laga qoday halkii uu jiifay, laguna aasay. La soco…