Magaalooyin Jidadka Ku Dhejiyey Boodhadh Sheegaya In Qofka Jidadka Ku Kaaja Internet-ka Lagu Faafinayo

0
584

Picture10Prague (Geeska)- In la dhowro xeerarka guud iyo shuruucda nadaafadda shaaracyada iyo in la tixgeliyo danta guud lagana dheeraado wax kasta oo dadka kale dhibaato u keenayaa waxa ay ka mid tahay anshaxa ay tahay in laga helo muwaadin kasta, laakiin qofka laga waayo ee ku guuldarraysta in uu ixtiraamo waxaa qasab noqonaysa in lagu xakameeyo xeerar ciqaabeed adag oo ku qasba in uu ka joogsado magaalo-joog xumada waxaana ciqaabtaas ka mid noqon karta in lagu dhex fadeexadeeyo dadka oo dhan. Fikirkaas ayaana sabab u ah in boodhadh waaweyn oo ka hadlaya dhowrista anshaxa magaalo-joognimo lagu dhejiyo shaaracyada magaalooyinka dalka jamhuuriyadda Czech iyo dalal kale oo badan oo ka mid ah Yurubta Bari.

Dalka Czech magaalooyinkiisa muhiimka ah waxa aad shaaracyada ku arkaysaa boodhad waaweyn oo dadka uga digaya in ay ku kaajaan shaaracyda iyo waddooyinka, waxa boodhadhkan lagu sheegayaa in dhaqankaasi aanu ahayn mid ku habboon caafimaadka guud iyo bilicda magaalada, laakiin intaas oo keliya ma’aha ee waxaa sidoo kale lagu qoray in qof kasta oo lagu qabto isaga oo dariiq ku kaajaya si qarsoodi ah loo sawiri doono ama ay sawiri doonaan kamaradaha amniga ee jidadka ku dhegsani kadibna sawirkaas oo maqal iyo muuqaal ah (Fiidyow) la gelin doono barta internet ka ee youtube si dadka dalka iyo dunida oo dhamiba u arkaan. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka internet ka ee happy place ayaa intaas ku daray in masuuliyiinta dalka Czech ay go’aansadeen in ciqaabta qofka dembigan gala lagu soo koobi doono fadeexadayntan internet ka ah oo aan loogu dari doonin ganaax lacageed, maadaama oo ay masuuliyiintu u arkeen in ay intaas ku filan tahay qofka.