Ishiisii Ayuu Iibinayaa Si Uu Lacagteda Ugu Bixiyo Kharashka Lagaga Qaadayo Kelli Loo Gelinayo

0
638

Picture7Beijing (Geeska)- Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka China ayaa iibinaya mid ka mid ah labadiisa indhood, si uu u helo lacag uu kelli ku gashada. wiilkan yar ee faqiirka ah oo kelyihiisu shaqadii gabeen, ayaa go'aansaday in uu lacagta laga siisto ishiisa ku beerto kelli. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska China Daily ee ka soo baxda dalka China ayaa intaas ku daray in qoyska wiilkan yar oo lagu magacaabo Yang Dingmeng, ay yihiin faqiir beeraley ah oo ka soo jeeda gobolka Sichuan ee dhaca galbeedka Dalka China.

Waxa uu wargeysku sheegay in xubno qoyska ka mid ahi ay diyaar u yihiin in ay kelli ugu deeqaan inankooda, laakiin nasiib darradu ay ka dhacday iyaga oo aan haysan kharashkii loo baahnaa si kellida loogu beero inankooda oo ah qalniinka, daweynta, kharashka beeridda kellida iyo guud ahaan kharashka dhakhtarku uga baahan yahay. Yang oo 33 jir ah ayaa mar uu xaaladdiisan kala hadlayey wargeyska The China Daily waxa uu yidhi,"Waxa aan ogaaday in Isha lagu iibsado lacag u dhiganta 22 Kun oo doolar, lacagtaasina waa inta aan u baahanay marka kellida la ii gelinay" Xukuumad goboleedka deegaankaas ayaa sheegtay in ay dadkeeda ku dhiiri gelisay in ay qoyskan caawiyaan, laakiin illaa hadda ma jirto caawimo muuqata oo ay qoyskani ka heleen muwaadiniinta iyo dowladda midna. Dhanka kale nin qareen ah oo ka soo jeeda isla deegaankaas ayaa sheegay in kiiska ah in qofku go'aan ku gaadho iibinta mid ka mid ah xubnihiisa ay tahay sharci darro.