Khatarta Caafimaad Ee Shandada Buugtu Ku Keeni Karto Ardayda Da’da Yar Ee Caadaysta In Uu Xambaaro

0
607

Picture10Hargeysa (Geeska)- Dhabarka ilmaha aan qaan gaadhin waxa uu u nugul yahay qallooc ku yimaadda, gaar ahaan dhedigga. Qalloocan ku yimaadda laf dhabartu ma'aha mid ilmuhu inta uu yar yahay uu si fudud u dareemi karo, waayo xanuun ama dhib muuqata kuma yeesho illaa uu weynaado. Haddaba sida ay sheegeen khubarada caafimaadku waxyaabaha badanaaba keena in laf dhabarta ilmaha uu qallooc galo waxa ka mid ah, shandada ay ardaydu buugta ku qaadato oo iyadoo culus uu ilmuhu dhabarka ku qaado. Khubarada caafimaadku waxa ay kula talinayaan waalidiinta ubadkoodu shandadda buugta dhabarka ku qaadaan in ay baraan tallaabooyinka soo socda oo wax badan ka tari doona badbaadada laf dhabarta ilmaha:

1. Shandadda uu ilmuhu dhabarka ku qaadayo culayskeedu waa in aanu ka badnaan boqolkiiba 10 marka loo eego culayska miisaanka ilmaha.

2. Waa in ilmaha la baraa in aanu taagnaan muddo ka badan shandaqiiqo isaga oo dhabarka ku sita shanadadda buugaagta.

3. Masaafadda uu ilmuhu la soconayo shandadda uu dhabarka ku sitaa waa in aanay dheeraan, waqtiga uu sidayaana aanu badnaan.

4.Waa in ilmaha loo sheegaa in aanu kaabadda ama sallaanka fuulin isaga oo dhabarka ku sida shandadda buugaagta.

5.Waa in shandadda marka hore loo doorayo ilmuhu noqotaa mid fudud, jeebab badanna leh, si ay ilmaha ugu suuro gasho in buugaagta aanu meel culayskooda isugu geyn ee uu jeebabkan u qaybiyo. Isla markaana macallinku ku tababaraa ilmaha habka ugu fiican ee uu buugaagta ugu qaybin karo shandadda dhexdeeda.

6. Waa in ilmaha la baro marka uu shandadda xambaaranayo inuu jilba joogsado, waayo waxa halis ah in uu soo foorarsado kadibna qaado culayska oo uu kor ula kaco.

7. Waa in ilmaha lagu tababaro in marka uu shandadda buugaagta dhabarka ku sido ee uu socdo ama taagan yahay uu iska ilaaliyo in dhabarkiisu hoos u soo foorarsado. Waa in dhabarka ilmuhu kor u kala baxsanaadaa inta uu shandadda sido oo dhan.

Khubarada caafimaadku waxa ay sidoo kale soo jeediyeen shuruud ay lagama maarmaan tahay in ilmaha la baro si looga ilaaliyo dhabar xanuunka. Shuruudahaasi waxa ay yihiin:

1. Ardayga waa in la baraa in uu kursiga ugu fadhiisto si toosan oo dhabarkiisa aanu qallooc ku jirin.

2. Ardayga waa in lagu tababaraa in uu subaxa hore sameeyo jimicsi ama dugsiga looga diyaariyo xiisado ciyaar iyo jidh furfuris ah, taas oo ku fiican subaxda hore inta aanu duruusta bilaabin.

3. Ilmuhu inta uu ku jiro da'da korniinka waa in loogu dadaalaa cuntooyin isu dheelli tiran oo lafihiisa ay faa'ido ugu jirto, waxaana muhiim ah in la ogaado in habka korniinka ee ilmuhu ku xidhan tahay hadba nooca cunto ee uu helo iyo xaddiga maadada Kalshiyamta ee jidhkiisa gasha.