“Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Laga Rabay Inay Dalka Hogaamiyaan, Wax Talo Ah Oo Gacanta Ugu Jirta Ma Jirto, Waxaana Ka Taliya Kooxo Is Urursaday”

0
568

Picture9Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Xukuumadda hadda taladda haysa ee Madaxweynaha uu ka yahay  Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)  tahay Xukuumaddii ugu liidatay ee dalka soo marta, isaga oo sheegay inay ku fashilantay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasada Arrimaha Guddaha, Siyaasada Arrimaha Dibada, xidhiidhka ay la leedahay Wadamada Caalamka iyo kuwa jaarka iyo sidoo kale inay lumisay kalsoonidii Shacabka reer Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa isaga oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland aanu midna taladda dalka maamulin ee kooxo gaar ah oo is urursaday ay maamulaan. Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii la sheegay in Xisbooga dhexdiisa ka jiro, waxaanu tilmaamay in khilaafkaasi uu been yahay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddan Maanta dalka ka talisa ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Siillaanyo, waa Xukuumaddii ugu xumayd ee abid soo marta Somaliland, Xukuumaddihii uga horeeyeyna aad iyo aad ayey uga fiicnayeen, waxaana caddeyn inoogu filan in Xukuumaddani inaga soo xidhay Wadamadii Caalamka ee aynu xidhiidhka la lahayn, inay inaga aamin baxeen Wadamadii aynu jaarka ahayn oo ay Xuduudihii inaga xidheen, in amaankeeni khal-khal uu galay, waxaana dhab ah in kalsoonidii Shacabka reer Somaliland ay Xukuumaddani iska lumisay, in kalsoonida Shacabku ay Xukuumaddani lumisay waxa keentay balanqaadayo badan oo been ah, waxa kale oo iyana dadku ogadeen wada hadaladan ay Xukuumaddu ku mashquulsan tahay, ee may mar walba tidhaahdo wada hadaladii Somaliya aanu kula jirnay hadda meel fiican ayey noo marayaan, wada hadaladaasina waa been dadkeena laga maaweelinaayo, oo aan waxba inoo soo sidin”.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii dalka, ee laga rabay inay dalka hogaamiyaan, wax talo ah oo gacanta ugu jirta ma jirto, oo cid walba Maanta wey ogtahay cida talisa, ee taladda dalka wada, waxaana dalka ka taliya kooxo is urursaday, oo waxay doonaan kolba yeela,dhawr jeer oo horena weynu maqalnay inay isku dhaceen Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeenku, iyaga ayaa la doortay, marka in taladoodu socoto, oo ay dalka iyo dadkaba u taliyaan ayey ahayd, ee cid aan la dooran  inay taliso may ahayn”.Axmed Muumin Seed mar aanu wax ka weydiinay inuu jiro khilaafka la sheegayo in XIsbooga soo kala dhex galay iyo in kale ayaa ku jawaabay “Waa been wax alaale wax ka jira in wax khilaaf ahi soo kala dhex galay ama uu u dhexeeya Xisbiga Waddani ma jirto, waanu isku duubanahay, danta iyo maslaxada Xisbiga ayaanu ka talinaynaa, warkaasna meel uu ka yimid ma jirto, wixii khilaaf keenayana waanu iska ilaalinayaa, oo sidii Kulmiye anagu noqon mayno”

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani  ayaa mar uu ka hadlay Doorashooyinka ayaa yidhi “Marar badan oo hore waan sheegay, haddana waan ku celinaya, waxaana leeyahay Maanta ma taalo sabab dib loogu dhigo Doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaan soo jeedinaya oo aan Xukuumadda ugu baaqaya inay Doorashada ku qabato wakhtigii loogu tala galay”.