Saxafiyad Maraykanka Ku Oogtay Dacwad La Xidhiidha Abaal Marinta Dilkii Osama: Kamaal Axmed Cali

0
558

usmaItaly- Haweenay saxafiyad ah oo u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa dacwad ay ku dalbanayso in la siiyo lacagtii uu Maraykanku saaray madaxa Usaama Bin Laden ku soo oogtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga. Mari Weiss oo isla markaana ah qoraa caan ka ah dalkaas ayaa ku dacwiyeysa in uu Maraykanku siiyo lacagtii 25 ka milyan ee doolar ahayd ee uu hore ugu ballan qaaday in uu siin doono cidda xog ka keenta hoggaamiyihii la dilay ee Alqaacida Usaama bin Laden.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ANSA ee Talyaanigu, gabadhani waxa ay ku doodaysa in ay sannadkii 2003-da masuuliyiinta Talyaaniga siisay xogo sirdoon oo muhiim ahaa oo si weyn uga caawiyey in ay xog ka helaan halka uu joogo Usama Bin Laden oo aanay warkiisa helin tan iyo sannadkii 2001-da. Saxafiyaddani waxa ay sheegaysaa in ay xilligaa heshay warar xog-ogaal ahaa oo xaqiijiyey in uu Usaama ku dhuumanayey gudaha dalka Pakistan, iyada oo si gaar ah u tilmaamtay deegaan aad ugu dhow magaalada Abottabad ee sannadkii hore lagu dilay Usaama Bin Laden. Weiss waxa ay ku adkaysanaysaa in halka Usaama lagu dilay ay muujinayso in xogteedii ay hore u siisay Talyaanigu sax ahayd, sidaa awgeedna ay xaq u leedahay in siiyo lacagta abaal marinta ahayd ee uu Maraykanku hore ugu ballan qaaday qofka siiya xog suurtogelisa qabashada ama dilka Usaama Bin Laden. Si kastaba ha ahaato ee afhayeenka guriga cad ee Maraykanka Jay Carney ayaa hore u caddeeyey in dalkiisu aanu cidna abaal ugu haynin helidda xogta ku hoggaamisay Usaama oo uu sheegay in aanay jirin cid xog faa’ido leh ka siisay halka uu ku dhuumanayey. Weiss waxa ay ku doodaysaa in iyadu ay wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga siisay xogtan waajibkuna ahaa in wasaaraddu u gudbiso Maraykanka, haddiiba ay dhacday in wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaanigu aanay xogtaa gudbinna ay noqonayso in magdhowga abaal marintaas laga rabo wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga.

Wakaaladda wararka ee ANSA waxa ay sheegaysaa in fadhiga koowaad ee dacwadda Weiss magaalada caasimadda u ah Talyaaniga ee Rome ka bilaaban doono 13-ka bisha may ee sannadka 2013-ka, waxaana fadhiyada ka soo qayb geli doonta Weiss oo wadata laba qareen oo caan ah.