Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Ku Jira Xaalad Caafimaad Oo Liidata Oo Ka Dhalatay Xadhigii Loo Gaystay

0
493

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxda sare ee xisbiga UCID ayaa shalay gurigiisa magaaladda Hargeysa ku booqday Guddoomiyaha labada Wargeys Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe oo la xunuunsanaya dhibaatooyin caafimaad oo soo gaadhay markii ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay isaga iyo tafatiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cige 10/5/2014.

Masuuliyiintan xisbiga UCID ee booqday Yuusuf Cabdi Gaboobe oo uu hogaaminayey Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, isla markaana ay xubno ka yihiin ku xigeenkiisa Cabdi Rashiid Xasan Mataan, guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigaasi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), xoghayaha warfaafinta Yuusuf Kayse iyo xubno kale oo ka mid ah hogaanka sarre ee UCID, ayaa waxay booqashadooda ka dib warbaahinta u sheegeen sida ay uga xun yihiin tacadiyada lagula kacay madaxda wargeyska Haatuf, waxaanay baaq u direen Madaxwayne Siilaanyo oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto tacadiyada ka dhan ah warbaahinta xorta ah ee ay xukuumadiisu u gaysato.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka UCID Cabdi Rashiid Xasan Mataan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaanu maanta halkan ku soo booqanay mid ka mid ah dadka ixtiraamka iyo sharafta inaga muddan oo ah aqoonyahan Yuusuf Cabdi Gaboobe oo run ahaantii aan aaminsanahay inuu wax badan dalkan iyo dadkankanba isla markaana ah tiirarkii taagay saxaafada Somaliland. hadal badani halkan iiga banaana ee waxaan u rajaynayaa Yuusuf Cabdi Gaboobe caafimaad taam ah inuu Ilaahay siiyo".

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la qiimayn waayo oo la dhawri waayo dimuqraadiyada Somaliland iyo xoriyatul-qawlka dalkaba, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Maanta waxaanu gurigiisa magaaladda Hargeysa ku soo booqanay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah aqoonyahan qaali ah isla markaana ka mid ahaa dadkii ehelka u ahaa dimuqraadiyada iyo horumarka Jamhuuriyaddan, run ahaantii waxaan ka xusayaa arrimaha uu Yuusuf sida wayn wax uga soo geystay halgankii dib u xoraynta dalkan iyo horumarintii iyo yagleelidii warbaahinta xorta ah ee Somaliland". isagoo Jamaal Cali Xuseen hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey "Waxaynu ognahay in sifo sharciga baalmarsan albaabada loogu laabay wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times oo uu Guddoomiye ka ahaa Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe isla markaana isagiina xadhig sharci daro ah loogu daray oo taasina ay keento inuu dhaawac ka soo gaadho xabsigii sida sharci darada ahayd loogu gaystay, markaa waxaanu Ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo oo uu shaafiyo Insha Allaah".Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu baaq u dirayey, waxa hadalkiisa ka mid ahaa "Dawladda Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa sidii baaqaqii hore ee beesha caalamkuba ahaa inaan warbaahinta madaxabanaan la cabudhin oo wargeysyada xidhan ee Haatuf, Hubaal iyo Somaliland Times-ba si degeg ah oo shuruud la'aan ah ay xayiraada iyo ciidanka uga qaado, waxaanan mar iyo lababa uga digaynaa in cabudhinta saxaafadu sii socoto. run ahaantii waa nasiib darro oo inagu dhacday in wargeysyadii ay Madaxtooyadu samaysatay ay waxay doonaan qoraan oo ay u madaxbanaan yihiin waxay doonaana ay qoraan, isla markaana kuwii xaqa sheegayey ee ummadda u adeegayeyna xoog albaabada loogu xidho, waxaan leeyahay waar waxani ma sii socon doonaan ee ummadda sidan ka daaya oo Ilaahay ka cabsada oo bulshadda iyo beesha caalamkaba ka xishooda, waxan aad samaynaysaan waa wax xun oo la wada arkayee, ugu danbayn waxaan Yuusuf u rajaynayaa caafimaad inuu Ilaahay siiyo".

waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), kaas oo Ilaahay uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo Yuusuf Cabdi Gaboobe oo uu ku sifeeyey shaqsiyaadka taariikhda wadankani xusi doonto, isla markaana xussay inuu wax badan soo gashaday Yuusuf Jamhuuriyadda Somaliland, balse aanu helin wixii uu istaahilayey.

dhinaca kale Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaan isagu hore uga hadlin dhibaatadan uu xadhigii u gaystay caafimaadkiisa, hase yeeshee mar aanu xalay la xidhiidhnay ayaa waxa uu noo xaqiijiyey inay jirto, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Waa arrin jirta oon qarsanayey, waxaana ogaa dad tiradoodu aad u kooban tahay, laakiin mar hadii ay soo shaacbaxday waxaan idiin sheegayaa inay jirto dhibaatada caafimaadkayga ka soo gaadhay xadhigii".

inkasta oo aanu Yuusuf wax tafaasiil oo intaa dhaafsiisan ka bixinin arrintaasi haddana siday dadka mid ah eheladiisa iyo asxaabtiisu noo sheegeen waxa xiligii uu xidhnaa ay dhaawacyo ka soo gaadheen xubno ka mid ah jidhkiisa, gaar ahaan kaadi-haysta iyo kalyaha, iyadoo dad badan oo ku booqday xabsiga magaaladda Gabiley wakhtigii uu xidhnaa ay qireen in cagaha iyo jilbuhu si xad-dhaaf ah u barareen.

waxa kale oo jirtay in Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafaraha Haatuf Axmed Cali Cige markii 28/5/2014 xabsiga damaanad lagaga sii daayey ay shirjaraa'id oo ay qabteen isla maalintaasi ku carabaabeen inay jireen dhibaatooyin iyo xad-gudubyo ay Bilaysku u geystaan markay Maxkamadda keenayaan iyo markay jeelka ku celinayaanba, waxaanay suxufiyiinta Haatuf sheegeen in labadaas jeerba iyagoo katiinadaysan ay Bilaysku ku qaadi jireen gaadhiga shabag-laha ah ee qufulan.

Tafatiraha Haatuf Axmed Cige oo aanu xalay arrintan wax ka waydiinayna waxa uu yidhi "Shabaglaha nalagu qaadi jiray waa baabuur Ani-moog ah oo qufulan, waxaanu leeyahay albaabyar oo qof kali ahi dirqi ku gali karro iyo jaranjaro ka samaysan xadiid yar oo cagta kali ahi dhinacyada uga dhacayso taas oo lagu joogsanayo marka la korayo. Ciidanka RRU-du waxay noola dhaqmi jireen sidii oo aanu nahay dad mujrimiin ah oo gaystay dambi waawayn oo kale oo intay katiinad iskuga kaaya xidhaan aniga iyo Yuusuf ayey nagu tuuri jireen sagxada shabag-lahaa qufalan oo aan lahayn meel la qabsado, markaasay Speed xoogleh intay baabuurka ku kaxeeyaan ayey godadka wadada la doon-doonan jireen ama biriiga sabab la'aan xoog ugu qaban-jireen, waxaana dhici jirtay in labadayaduba aanu kolba meel ku dhacno marka aanu anagu madax isku dhufano iyadoo aanu isku xidhanahay. waxaan qabaa inay jirtay cid ka tirsan madaxda xukuumadda oo Bilayska si gaar ah noogu soo balamisay. maalintii u horaysay ee nala geeyey jeelka dhexe ee Hargeysa-ba Yuusuf labada jiliba waxa ka gaadhay jug xoog ah oo waxa markii danbe dhib ku noqotay inuu jiifka ka kaco, iyadoo markiiba ay cagahu barareen ilaa intii la soo daynayeyna kamuu bogsanin sababtoo ah hab-dhaqankaas ayey nagula dhaqmayeen markasta oo ay maxkamadda ama jeelka naga soo qaadayaan. Ciidamadda asluubtu iyagu si fiican ayey inta karaankooda ah noola dhaqmayeen oo waxaad moodaa inaanay iyagu balan-qabin, waayo markay Gabiley ilaa Hargeysa na soo kaxaynayaan waxay nagu soo qaadi jireen gaadhi xaajiyad laba shid-lay ah oo laba askari iyo sarkaal saaran yihiin laakiin dhibaatadu waxay nagu bilaabmi jirtay markay RRU-da nagu wareejiyaan oo waxaanu soo gali jirnay magaaladii Hargeysa oo ilaa fooqa Ilma Jirde, Beerta xoriyada ilaa Madaxtooyada inta u dhaxaysa oo askar iyo gaadiid tikniko ah lagu xidhay, taas oo ahayd xaalad abuur waayo hadii ay khatari jirto oo cid baxsanaysa la ilaalinayo waxa culayska la saari lahaa suggida amaanka jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley ee waliba jeexjeexyadu ku badan yihiin hareerihiisa".