Xoghayaha Guud Ee Waddani Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Gaabinayso Arrimaha Dorashooyinka

0
434

HPicture1argeysa (Geeska)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka gaabinayso, isla markaana aanay daacad ka ahayn Diiwangelinta, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu ay doonayso inay fuliso wax walba oo dib u dhigi kara Doorashada.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Guddii Komishanka ee dhawaan Madaxweynuhu kala diray, waxaanu xusay inuu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu kala diro, wakhtigooduna uu dhammaaday, balse waxa uu fariin u diray Todobada Xubnood ee la filayo in loo soo xulo Komishanka Doorashooyinka, waxaanu kula taliyey inay mar walba daacad ahadaan, oo Saddexda Xisbi u sinaadan, cadaalada iyo xaqana ilaaliyaan.

 Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Doontii dhawaan ku dhacday Badda liibiya, ee ay ku dhinteen qaar ka mid ah Dhalinyarada reer Somaliland oo dalka ka Tahriibay, waxaanu sheegay inay Dhalinyaradu ka tahriibayso shaqo la’aanta dalka ka taagan, waxaanu Xukuumadda ku eedayey inay gabtay waajibkii ka saarnaa Dhalinyarada, isla markaana aanay si daacadnimo ku dheehan tahay aanay Shaqaalaha u qaadan, ee qabyaalad iyo weji ay Dhalinyarada ku shaqalayso, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “In Dalka ka dhacdo Diiwaangelini ka dhacdo waxa saxeexay Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Xisbiyada Qaranka, iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxa ay Xukuumaddu ku dadaalaysa inay carqalad geliso Diiwaangelinta si Doorashadu dib ugu dhacdo, maxa yeelay xeerkii Diiwangelinta ee saxda ahaa waxa lagu soo lifaaqay xeer kale, iyo qodobo kale, ismana qabanayaan labadaas xeer, laakiin anaga waxa  aanu taagan ahay in dalka ay ka dhacdo oo Diiwangelintii, si aanay wakhtigeeda aanay u dhaafin Doorashadu, waxaana wanaagsan in Xukuumaddu  ay daacad ka  ahaato oo aan mugdi la gelin Diiwangelinta, ”.Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo ka hadlay Komishanka uu dhawaan Madaxweynuhu kala diray iyo Komishanka la filayo inay badalaan ayaa yidhi “Madaxweynuhu isaga ayaa xaq u leh inuu kala diro Guddida Komishanka Doorashooyinka dalka, wakhtigoodiina uu dhammaaday, balse Todobada Xubnood ee noqon doona Guddida Komishanka Doorashooyinka, waxaan kula talinayaa inay dhex u noqdaan Xisbiyada, inay ku shaqayaan Daacadnimo iyo inay si wanaagsan ugu xaqsooraan, maxa yeelay iyaga ayaa kala saaray, oo booskii Maxkamada ayey Saddexda Xisbi u joogaan, maka waa inay eexda ka fogadaan, oo xilka ay qaadeen daacad ka noqdaan”.

 Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa mar uu ka hadlaayey Tahriibka Dhalinyarada Somaliland yidhi “Waxa aan ILLAAHAY uga bariyayaa inuu Jannadii ka waraabiyo Dhalinyaradii reer Somaliland ee dalka ka tahriibtay, ee Doontu kula dhacday Badda Liibiya, Dhalinyarada waxaan kula talinaya xaalad kasta oo adag ha ku jiraan inay dalkooda iska xamilaan, waxaana leeyahay Xukuumaddani wey tagaysaa ee ha tahriibina. Inta badan sababaha ugu waaweyn ee Dhalinyaradu dalka uga tahriibaysa waa shaqo la’aanta, maxa yeelay Xukuumaddu waxa ay shaqaalaha ku qaadata qabyaalad iyo weji, ardaydii Jaamacadaha ka soo baxayna marka ay shaqo la’aani ku dhacdo waxa ay dantu ku kelifaysa inay tahriibaan”.