Magacyada Tahriibayaal U Badan Reer Hargeysa Oo Ka Badbaaday Dooni Kula Gedoontay Badda U Dhaxaysa Talyaaniga Iyo Liibiya

0
511

Picture3Tiripoli(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa geeriyooday 97 tahriibe oo u badan reer Somaliland, kuwaas oo ay doontii ay saarnaayeen kula gadoontay badda dhexdeeda, iyagoo u sii jeeday wadanka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu nasiibkoodu badbaadiyay 23 ruux oo u badan dhallinyaro ka socdaashay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Doonta ayaa gadoontay ka dib markii ay dadweynihii doonta saarnaa qaar ka mid ah uu dagaal dhex maray. Aaden Cali Cawil, oo ku sugan dalka Liibiya, ayaa shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, u tiriyay magacyda dadka badbaaday oo uu badbaadiyay markab badda joogay oo ay qalo dhaan u dirsadeen.

Magacyada dhallinyarada badbaaday qaar ka mid ah ayaa kala ah

Kawsar

Xamda

Canjeex

Khaliif

Axmed Faarax,

Daahir Loox,

Maxamuud,

Rahuul

Cabdillaahi Laangadhe

Xamse

Sooraan

Maxamed Cawil

Cabdinaasir