Yurub Oo Doonaysa In Ay Dayaxa Ka Dhisaan Tuule Nololi Ka Suurtogeli karto

0
588

Prof. Johann-Dietrich Wörner oo dhowaan loo magacaabay agaasimaha haayadda hawada sare u qaabilsan Midowga Yurub oo magaceeda loo soo gaabiyo ESA ayaa mar uu dhowaan u waramay saxafiga caalamiga ah ee Richard Holingham oo ka faallooda arrimaha cilmiga iyo hawada waxa uu sheegay himiladiisa ah in dayaxa qaybtiisa ugu shishaysa laga dhiso tuule aadame ku noolaan karo. “Tuulahan ujeedadiisu ma’aha keliya in dayaxa oogadiisa laga dhiso guryo, kaniisad iyo dhsmayaal dawladeed, balse waxaa looga jeedaa in la sameeyo hab dunida oo dhami ugu shuraakoobayso hirgelinta hawlaha suurtogelin kara in cir-bexeennada iyo dayax gacmeedadaba loo sameeyo isgaadhsiin u gaar ah” ayaa uu yidhi Bare-sare Worner, waxa aanu ku taliyey in dayaxa aan loo arag uun in uu yahay dhagax cilmibaadhiseed, balse laga dhigto bar-bilow lagu gaadhi karo in wax badan laga ogaado meerayaasha iyo nidaamka qorraxda. Dhinaca kalana Prof. Worner waxa uu si dadban u naqdiyey damaxa culimada wakaaladda hawada sare ee Maraykanka NASA ku doonayaan in ay ku tagaan meeraha afka qalaad lagu yidhaahdo Mars ama Mariikh oo Soomaalidu u taqaanno FARRAARE, waxa aanu sheegay in intii meel cusub oo aan la hubin guusha laga gaadhi karo iyo suurtogalnimada tegiddeeda la isku hawlin loo baahan yahay in marka hore dayaxa oo la tegey warkiisa iyo aqoonta ku duugan laga haqab beelo.

Illaa hadda fikirka ah in dayaxa laga dul sameeyo tuule nololi ka suurtogelaysaa waa aragti aan ficilkeedu dhoweyn, gaar ahaan marka la’ eego dalalka midowga Yurub ee leh wakaaladda ESA oo aan ku talogal miisaaniyadeed u samayn daraasadaha arrintan la xidhiidha. In kasta oo miisaaniyadda ay wakaaladdani hadda heshaa ay sannadkii gaadho illaa 4.4 Bilyan oo lacagta Yurub ah. Si kastaba ha ahaato ee maadaama oo Worner uu yahay khabiir lagu tilmaamo in uu ka mid yahay shakhsiyadaha ugu awoodda badan dhinaca aqoonta iyo himilada hawada sare waxa ay dad badani saadaalinayaan in aanu ka nasan doonin ka dhabaynta fikirkiisan. “Maadaama oo uu aadamuhu abuur ahaan u jecel yahay daahfurista hadba waxa aqoontiisu ka maqan tahay iyo horumar jacaylka waa ay inoo suurtogeli kartaa ka midho dhalinta arragtiyaha cilmiga ah ee mustaqbalka”