Shirkadda Dahabshiil Group Oo Kaalin Wayn Ka Qaadatay Bandhigii Carwadii Ganacsiga

0
675

Picture1Hargeysa (Geeska)- Todobaad ka hor waxa Magaalada Hargeysa ka furmay Carwadii ganacsiga Somaliland Ee todobaad Oo sanad walba lagu qabto Somaliland laguna soo bandhigo Wax soo saarka kala duwan ee Dalka iyo Guud ahaanba Ganacsiyada kala duwan ee Dalka Ka taabo qaaday.

Hadaba Shirkadda Dahabshiil Group ayaa door wayn ka Qaadatay hirgalinta Carwadan todobaad oo maanta lasoo gabagabeeyay, Shirkadda Dahabshiil Group waxa ay Goobta Carwadu ka socotay kusoo bandhigeen Dhammaanba Adeegyada kala duwan Ee Dahabshiil Group ay bixiso sida oo kale macaamiisha dahabshiil Group oo aad iyo aad uga adeeganaayay shirkadda Dahabshiil Group ayaa waxa shirkaddu ay u samaysay Qiimo dhimis kala duwan oo macaamiishuna aad uga faa’idaysatay mudadii koobnayd ee carwadu socotay.

Hadaba waxa aanu waraysi kooban kala yeelanay doorka ay Dahabshiil Group ku lahayd Carwada iyo Adeegyada ay macaamiishooda usoo bandhigeenba Madaxa Waaxda Suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdillahi oo ka mid ah Masuuliyiinta Dahabshiil Group isaga oo ka hadlaaya arintaasna waxa uu yidhi “  Hadaan warbixin kooban idinka siiyo Carwadan iyo Doorka ay Dahabshiil Group ka qaadatay runtii ma aha mid kalmado kooban lagu soo koobi karo balse Carwadan oo ah mid aad ugu muhiim ah Ganacsiga kala duwan ee Somaliland waxa aanu ka qaadanay Kaalin Muuqata oo waxa aanu qayb ka ahayn Shirkadaha Maalgaliyay Qabsoomidda Carwadan Ganacsi Oo u jeedada ugu waynina ahayd in la dhiirigaliyo korna loo qaado Ganacsiga iyo dhaqaalaha Dalka Guud ahaanba.

Dahabshiil Group ahaan waxa aanu carwadan kusoo bandhignay Dhammaanba Adeegyada kala duwan Ee Shirkadaha Dahabshiil Group ay bixiyaan Sida Adeegga Casriga ah Ee Somtel 4G oo ah Adeeg internet casri ah oo xawaarihiisu aad u sareeyo oo aanu ugu talagalnay in Macaamiishayada aanu jecelnahay uu daboolo baahidooda internet tusaale ahaan waa adeeg aanu ugu talagalnay in Ardaydu Ay si fudud wax ugu bartaan oo jaamacadaha Dunidda ay Online wax kaga baran karaan, Ganacsatadana waxa aanu ugu talagalnay in Adeeggan Somtel 4G ay ku horumarin karaan Ganacsigooda oo ay la jaan qaadi karaan Hadba wixii dunidda ku cusub iyo in ay Online kusoo iibsan karaan wixii ay u baahdaan si fu’dud, sida oo kale Adeegga somtel 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad si fudud u xidhiidhi kartaan eheladaada iyo asxaabtaadaba meel kasta oo ay Dunidda ka joogaan adiga oo isticmaalaaya Maqal iyo Muuqaalba, Aaladan casirga ah Ee Somtel 4G waxa aad u qaadan kartaa kolba meeshii aad tagayso sida xafiiskaga ama Gurigaaga adiga oo ku ridan kara jeebkaga.

 

Dhinaca Kale Adeegga E.Dahab oo ah Adeeg casri ah oo aanu ugu talagalnay in macaamiisha Dahabshiil Group iyaga oo jooga xafiisyadooda ama xaafadahooda in lacagta xawaalada loogu soo diri karo Adeegga E.Dahab oo ah Adeeg kuu sahlaaya in aad lacag dhigan karto ama lacag kala soo bixi karto Account kaaga Dahabshiil Adiga oo Gurigaaga ama xafiiskaga shaqada jooga, sida oo kala waa Adeeg kuu sahlaaya in aad dhamaanba biilasha kala duwan aad si fudud iskaga bixin karto adiga oo isticmaalaaya Adeegga E.Dahab

Adeegyada Casriga ah Ee Dahabshiil Group ay Macaamiisheeda usoo kordhisay waxa ka mid ah Adeegga Microfinance oo ah Adeeg aanu ugu talagalnay in aanu shaqo abuuris ugu samayno Bulshada jecel in ay abuuraan ganacsi, waana barnaamij maalgalineed oo uu kuu samaynaayo kuuna Maalgalinaayo Dahabshiil Bank, Adeeggan oo ah adeeg faa’ido badan u leh ganacsatada yaryar waxa ilaa hada aanu maalgalinay in ka badan 2,000 oo ganacsi oo kala duwan dhamantoodna aad iyo aad bay ugu faa’ideen waana barnaamij Dahabshiil Bank uu ugu talagalay in uu kor ugu qaado dhaqaalaha Dalka Gaar ahaana dhanka Shaqo abuurka iyo dhiirigalinta Ganacsatada Dalka.

Adeegyada kala ee Dahabshiil Group  ahaan aanu kusoo bandhignay Carwada waxa ka mid ah Adeegyada Somtel 4G, Internet wireless broad band, VOIP, 4G Dongles, E.Dahab Registration Free ah, Microfinance, Accounts free ah, Roaming service ama Adeegga Dalmar iyo Guud ahaanba Adeegyada Dahabshiil Group ay bixiso oo aanaan halkan kusoo koobi Karin dhamaantoodna aanu u samaynay Qiimo dhimis 30% ilaa 50% ah.

Intaas waxa dheera in Macaamiishayada aanu u samaynay Qiimo dhimis dhinaca biilasha ah arintaas oo aad iyo aad u farxad galisay Macaamiishayada oo ka faa’idaystay qiimo dhimista dhinaca biilasha kala duwan ee shirkadu ku lahayd.

Waxa kale oo xusid mudnaa in todobadii cisho ee carwadu socotayba aanu internet free ah macaamiisha ugu sii daynay xarunta carwadu kasocotay oo ahayd Guuleed Hotel, dhinaca kalana shirkadda Dahabshiil Group waxa ay u suurtaglisay macaamiisheeda Adeeg LIVE Stream ah oo Dunidda dacaladeeda oo dhan laga daawanaayay carwadu sida quruxda badan ee ay u socoto iyo Ganacsiyada kala duwan ee lagu soo bandhigayba.

Ugu dambayntii waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Shaqaalaha Dahabshiil Group Ee carwada ka qayb qaatay, Bahda saxaafadda oo iyaguna si joogto ah u tabinaayay carwada, Ganacsatada kala duwan ee kasoo qayb gashay carwada iyo Guud ahaanba Cid kasta oo ka qayb qaadatay carwada “ ayuu yidhi Khadar Abdirahman Oo ah Madaxa Suuqgaynta Ee Shirkadda Somtel. Hadaba carwadan oo ahayd mid aad iyo aad loo soo agaasimay ayaa waxa la arkaayay bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa oo aad uga faa’idaysanaysa Adeegyada kala duwan Ee Carwada lagu soo bandhigay oo ay la socotay dhiimo dhimis baladhaani.