Yoolka 11aad aad Ee 17ka Yool Ee Addunyadu Beegsanayso “Caasimado iyo shucuub deggan oo waara”

0
646

Picture8

Yoolka 11aad  ee caalamku beegsanaayo 15ka sano ee soo socda waxaa weeye "Caasimado iyo shucuub deggan oo waara" oo looga golleeyahay helitaanka caasimado degganm, ammaan ah oo koraaya iyo shucuub sidoo kale ammaan ah. Yoolkan oo muhimad gaar ah u leh caalamka wuxuu leeyahay 15 bartilmaameed oo midkastaaba muhimmadiisa gaarka ah leeyahay marka la isku wada darana xaqiijinaaya gaadhitaanka yoolkan dahabiga ah waxaanay kala yihiin:

•             2030ka waa in la hubiyo helitaanka guryo ku filan, qiimo jaban oo ammaan ah iyo fidinta adeegga asaasisa ah iyo casriyeynta deegaannada isku raranta ah oo ay helaan shucuubta caalamku.

• 2030ka waa in la helaa nidaamka isgaadhsiinta gaadiidka oo la isku hallayn karo, ammaan ah oo qiimo jaban ku kaca, wanaajinta ammaanka waddooyinka, gaar ahaan ballaadhinta gaadiidka dadweynaha, iyadoo niyadda lagu hayo baahidda dadka nugul sida dumarka, caruurta iyo dadka naafada iyo dadka da'da ah.

• 2030ka waa si weyn hore loogumariyaa  magaaleyn waarta iyo tayaynta awoodda ka qayb qaadashada deegaamaynta bani aadamka, qorsheynteeda iyo maareynteedaba oo ay helaan wadamada caalamka oo dhan.

• Waa in la xoojiyaa dadaalada lagu ilaalinaayo dhaqamada soojireenka ah e la iska dhaxley ee caalamka dhaxaltooyada ah ee caalamka.

• 2030ka waa in si weyn hoos loogu dhigaa tirada dhimashada iyo tirada dadka ku wax yeellooba iyo weliba hantida ku burburta masiibooyinka caalamka ka dhaca sida masiibooyinka biyaha iyo wixii la halmaala iyadoo si gaara loo ilaalinaayo meelaha dadka nugul.

• 2030ka  waa in la dhimaan waxyeelada shakhsiyaadka kasoo gaadha saamaynta taban ee ka dhalata magaaleynta sida in tixgelin gaara la siiyo fayo qabka hawada iyo maareynta qashinka.

• 2030ka waa in la hubiyaa helitaank goobo dadweyne oo cagaaran oo badqaba oo ay helaan dumarka, caruurta iyo dadka da'da ah iyo weliba dadka naafada ah.

• waa in gacan la siiyaa hagaajinta dhaqaalaha iyo daryeelka bulshada iyadoo lagu xidhaayo badqabka deegaanka magaalo iyo miyiba iyadoo la xoojinaayo qorshayaasha heer qaran iyo heer gobolba ee arrimahaas la xidhiidha.

• 2020ka waa in  si weyn loo kordhiyaa tirada magaalooyinka iyo deegaamada meel mariya fuliyana siyaasado iyo qorshayaal wax ku ool ah oo beekhaaminaaya kheyraadka ama u adeegsanaaya kheyraadka si masuuliyadi ku jirto, xalliyana dhibaatoyinka ka dhashay dikhawga hawadam iyo ka u adkeysiga masiibooyinka iyo helitaanka habab dhamaystiran oo lagaga gaashaamanaayo laguna maamulaayo masiibooyinka.

• Ka caawinta waddamada soo koraaya helitaanka dhaqaale iyo taageerooyin farsamo oo ka caawiya inay dhistaan qoshayaal horumarineed ayna dhaqan geliyaan iyagoo khibradooda adeegsanaaya.

La soco yoolka 12aad

waxaa soo turjumay
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com 063 4009009