“Maxaad U Maleynaysaa Marka Rasuulka (SCW) Uu Leeyahay Ummadi Waxay Rogmatay Marka Qof Dumar Ahi Hor-fadhiisato Ee Ay Tidhaahdo Aniga Ayay Taladu Iga Go’daa”

0
628

Picture1Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay Wada tashiga Marka uu yimaaddo arrin u baahan in laga wada Tashado.

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ku soo qaatay Wada tashiga waxa uu ka hadlay khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo sida loogu baahan yahay in Xal laga gaadho, maadaama buu yidhi aan loo baahnayn inuu burburo.

Sheekha oo ka hadlaya Muhiimadda Wada tashiga iyo inaan loo baahnayn in cid gaar ahi talada maroorsato ayaa yidhi, “ILLAAHAY wuxuu Qur’aanka ku yidhi ‘Ummadi markay leexato waxaanu dhadhansiin doonaa Cadaab kooban oo ka sokeeya Cadaabka Qiyaamaha’, leexashada ugu weyn ee dhacdaana waa Marka uu leexdo hoggaanka Ummaddu aamintay ee uu talada maroorsado ee uu yidhaahdo wax walba aniga ayay igu kooban yihiin ayaa dhibaatada ugu weyni timaaddaa.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu sheegay, “Maxaad u maleynaysaa marka Rasuulka (SCW) uu leeyahay ummad waxay u dhammaantay oo ay rogmatay marka Qof Dumar ahi  hor-fadhiisato ee ay tidhaahdo aniga ayay taladu iga go’daa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma doonayno inuu KULMIYE baaba’o, waayo ? haddii KULMIYE burburo Xukuumadda ayaa baaba’aysa, hadday dawladdu burburtana waxa la isku qabsanayaa waxa innaga dhexeeya, haddii waxa innaga dhexeeya la isku qabsadana innaga ayaa qayb-qaybsamayna, haddaynu qabsanana dadku wuu hubaysan yahay oo dhib badan baa imanaya.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu khudbaddiisa ku soo hadal qaaday Wasiirradii Xukuumadda iska casilay gaar ahaan Wasiirkii Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Dadkii aanu kala kulanay Dawladdii iscasishay ee aanu in badan la talinay waxa ka mid ahaa ninka la yidhaahdo Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu ahaa Marka dawladdu khaldantana dadka aanu ku odhan jirnay waar ka daa’ adigaa wade, waayo ? wuxuu ahaa qofka ugu awoodda badan Xukuumaddii jirtay (Iscasishay), waxaanu ahaa marka dhibaato ku timaaddo ninka difaaca, laakiin taasi keeni mayso inaanu ka tagno wanaaggii uu lahaa annaga oo haddana wax badan ku kala gedisnayn”

Sheekha oo sii hadlaya ayaa amaanay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, “Xukuumaddaa jirta Wasiir aanan la kulmin aad buu u yar yahay marka arrin adag timaaddo, isagoo ku hor taagan buu ku odhanayaa waxaasi ma soconayaa, wuxuu ku odhanayaa way soconayaan oo laba Saacadood gudahood buu ku fulinayaa ama ha adkaado ama ha fududaadee.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Caaqil Hargeysa loogu Caleemo Saaray beesha Jaarso ee dalka Itoobiya, “Maalmahan dambe waxa Hargeysa oo Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ah lagu Caleemo Saaray Caaqil Jaarso ah, taasi waxay keenaysaa inay maalin dhow ay dalka sheegtaan oo ay xuquuq sheegtaan oo ay si dadban u qaataan Kaadhadhka (dhalashada).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ku taliyey in Caaqilkaa iyo dadkiisaba lagu celiyo Itoobiya, “Nimankaa Jaarsada ahi markii Kililka shanaad loo qaybinayey Soomaalida iyo Oromada ayaa iyaga oo deggan Jinacsi oo dhowr iyo toban kilo Mitir u jirta Jigjiga way diideen magacii Soomaalinimada iyo inay Kililka Soomaalida soo raacaan waxayna ku biireen Kililka Oromada, taa Macnaheedu waxa weeyaan Soomaalinimo ma ogola, markaa Wasaaradda arrimaha gudaha waxaan leeyahay waad ka hadasheen oo aad ku mahadsan tihiin, laakiin waxa loo baahan in laga qaado tallaabo la taaban karo oo dadkaa meeshooda lagu celiyo.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisii ku soo ururiyey.