Yay Tahay In Aad U Codayso Xaalada Aynu Maanta Marayno?Qalinkii Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

0
543

Sidaaynu ka warqabno, waxaa fooda inagu soo haysa doorashadii madaxtooyada  Somaliland oo qabsoomi doonta horaanta sannadka  2017-ka.  Haddaba, sidaaynu ka wada dharagsannahay  kana helnay waayo-aragnimo saddexdii doorasho ee aynu soogalnay, mar kasta oo doorasho soo dhawaato waxa caado inoo ah in dadweynaha iyo siyaasiyiinta qaarkood ka guuraan xisbigii unaguuraan mid kale. Arrintan ayaa badanka tashwiish iyo shaki kurida codbixiyayaasha cidii ay dooranlahaayeen.

1

Haddaba waxaaan maqaalkan ku iftiimin doonaa waxyaabaha ay tahay in aad udub-dhexaad uga dhigto doorashadaada iyo madaxda aad doonayso inay wadanka hogaamiyaan shantasanno oo kale.

Marka ay noqotoqiimeynta cidda codka la siinayo, dadbadani waxay eegaan tayadda iyo waxtarka hogaanka xisbiga ay kubiirayaan ku yeelan karo dalka haddii ay uu kuguuleysto. Waxa kale oo jirta dad darajo doon ah oo ayna waxba ka gelin kartida hogaamiyaha iyo Golaha Sare ee xisbiga shaqsiyadooda, tariikhdooda iyo waxqabadkooda.

Dhinaca kale,waxaa iyana muhiim ah in la eego ama la is weydiiyo tariikhda shakhsiyaadka xisbiyadda kusoo biiraya. Halkee ayay ka yimaadeen? Maxay soo ahaanjireen? Tariikh ma ku leeyihiin halgankii Somaliland soomartay? Ma aha in aan uun iskanidhaahno hebel iyo hebelaayo oo wasiir ahaanjiray ayaa xisbiga soo galay ama hebel oo dibedda ka yimid ayaa xisbiga soo galay. Taasi wax micnaleh oo xisbiga ay kubiirinaysaa ama kordhinayaa amaba isbedel kusamaynayaan xisbiga ma jirto.

Waxaa kale oo saxaafadda lagubandhigayay in Xisbiga Wadani yahay xisbiga isbedelka soo wado haddii uu doorashadda ku guleysto. Su’aashu waxaaweeye: isbedel Wadani ma sameynkaraa? Goormaa la sameynkaraa? Aan ka jawaabo su’aashaase waxa isbedel la samaynkaraa marka ay dhaliilo jiraan. Laakiin haddii la yidhaa isbedel ayaa la samaynayaa waxa muhiim ah in la isweydiiyo: Isbedel noocee ah ayaa la doonayaa in la sameeyo? Halkee ayay Somaliland maraysaa hadda? Halkee la doonayaa in la gaadhsiiyo? Looma baahna in isbedel dalka lagu hodo hadhowna dadku ka shaleeyaan.

Dawladda Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) lixdii sanno ee ay hogaanka wadanka haysay waxay ku tallaabsatay horumar aan la dafiri Karin oo taabtay dhinaco farabadan:  dhaqaaluhu wuu kobcay, islamarkaana waxa la horumariyey kaabayaasha dhaqaalaha ee waddooyinku ugu horreeyaan; wax badan ayaa laga qabtay caafimaadka, waxbarashada iyo xoolaha; waxa laadkeeyey xukun-daadejinta iyo maamulka dawladaha hoose.

Haddii aan kahadlo murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Muuse waa mujaahid Somaliland taariikh weyn ku leh oo lagu xasuusan karo leh halgankii SNM iyo waxqabadkiisa oo ay kow ka ahayd nabadeyntii iyo doorkii uu ka qaatay hub-ka-dhigistii maleeshiyooyinka, abuuristii ciidanka booliska, soo-celinta ammaanka iyo waliba dhisidii haykalkii dawladnimo ee gobolada Somaliland markii uu Muuse ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalka.

Waxa kale oo Mujahid Muuse Biixi Cabdi ra’yigeeda lahaa abuuristii Golaha guurtida. Sida aynu kawada dharag sannahay Golahani waxa uu baaldahab ah kaga jiraa taariikhda Somaliland, waana gole shaqadiisa iyo waxqabadkiisa caalamku u bogay. 

Guntii iyo gunaanadkii, dadka reer Somaliland maadaama oo ay u soo joogeen saddex doorasho, waxa maanta la filayaa in ay noqdaan codbixiyayaal codkooda u meeldaya oo codkooda ku go’aamiya mustaqbalka fiican ee dalkan iyo dadkan u baahanyihiin. Ta ugu muhiim san ee aan doonaya in aydun had iyo jeer xasuusnaataan waa taariikhda wadanku in ayna noqon mid lunta oo la iska iloobe.

Maadaama uu musharaxa Mujahid Muuse Biixi Cabdi uu yahay siyaasi khibrad u leh hoggaaminta wanaagsan ee udubdhexaadka u ah aqoonta dadka, u-adeegidda bulshadda. Iyo waxqabadka ku dhisan wada-tashi in lagu hormariyo danaha dadka iyo dalkaba, wax aan kutalinaya in dadkeenu gude iyo dibadka ay taageeroweyn u muujiyaan Mujahid Muuse si uu ugu hago dalkeena himilada Kulmiye doonaya in uu dalka  gaadhsiiyo.