“Dalkii Hadaan Buu Ka Sii Dhacaya, Waxaanu U Baahanyahay In La Badbaadiyo”

0
519

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige  oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xisbiyada Qaranka kula taliyey inay soo dhex galaan khilaafka adag ee ka dhex taagan Masuuliyiinta Xisbiga UCID, waxaanu sheegay in danta qaranku aanay ku jirin in Xisbiga UCID uu baaba’o.

hqdefault

Xildhibaan Xuseen Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in dalku ku sugan yahay xaalada xun una baahan yahay in la badbadiyo oo Waddani la doorto, “Waxa nasiibo daro  ah in sannadihii tagay ilaa imika khilaaf ka dhex jiro Xisbiga UCID, waxaana aad u qurux badan in la kala dhex galo oo Xisbiyada kale doorkooda ka qaatan, marka haddii Saddexda Xisbi Qaran mid baaba’o ama laba baaba’aan dhib mooye faa’iido ma leh, waxayna la mid tahay dalkii oo baaba’ay, imikana dalkii haadaan buu ka sii dhacayaa, waxaanu u baahan yahay in la badbaadiyo, marka dadka waxaan leeyahay cid dalka badbaadin kartaa waad garanaysaan oo waa Waddani ee haddii ALLE idmo Doorashada doorta Xisbiga Waddani si uu taladda dalka u qabto, oo xaalada uu dalku marayo uu uga saaro”

Isagoo hadalkiisa sii wata soona jeedinaya in golaha wakiiladu mushaharkooda qayb ka mid ah abaaraha ku caawiyaan wuxuu yidhi “Anagu haddii aanu Xildhibaano nahay waxaanu ku talo jirnaa haddii ay suurtagal noqoto, in aanu soo dhigno mooshin odhanaya Xildhibaanadu Mushaharkooda ha ka gooyeen lacag wanaagsan si wax loogu qabto dadka ay Abaaruhu hayaan, abaaruhu wey soo noqnoqdaan, balse haddii aynu intii karaankeena ah aynu isku dayno inay ka sii diyaar-garwoono weynu ka diyaar-garoobi karnaa, balse waxaad mooda inaynaan u jeedin, dana ka lahayn, abaaruhuna Barri oo qudha kama jirto ee meelo badan oo Somaliland ah ayey ka jirtaa, marka aynu kacno oo Somaliland inay toosto ayaa loo baahan yahay, oo aynu dadkeena dhibaataysan wax u qabano.”