“Dadka Abaartu Ku Haysato Bariga Somaliland Wixii La Siin Lahaa Nin Keliya Ayaa Qaata, Wadaad Ha Noqdo Ama…” Sheekh Aadan Siiro

0
554

Hargeysa (Geeska)  – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay  waxa Shareecada Islaamku ka qabto ilaalinta iyo daryeelka Hantida Ummadda ka dhaxeysa iyo sida Alle (SW) u adkeeyay.

1

Sheekha ayaa  Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo ku arooraya Xaaladaha Dalka ka jira, Abaaraha soo noqnoqday, heshiisyada lala gelayo Dalalka Shisheeya iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Sheekh Aadan-Siiro oo ugu horeyn ka hadlaya waxa Shareecadu ka qabto ilaalinta Hantida Ummadda ka dhexeysa, ayaa yidhi, “Shareecadu waxay u soo degtay in la ilaaliyo Hantida ay Muslimiintu leeyihiin iyo Hantida Qofka Bani-aadamka ahi leeyahay. Qiyaamaha waxa Qofka bani-aadamka ah la waydiinayaa halkeed ka soo shaqeysatay Maalkaaga, halkeedse ku bixisay.? Innagu maxaynu u taagan nahay Dadka Abaartu ku haysato Bariga Somaliland wixii la siin lahaa Nin keliya ayaa qaata, Wadaad ha noqdo ama Taajir ha noqdo ama Nin Aqoonyahan sheeganaya ha noqdee, taasoo dhacday kumanaan jeer.”

Sheekhu waxa uu ka hadlay sida looga bixi karo Biyo la’aanta iyo Abaaraha soo noqnoqday, “Dunida oo dhan waxaynu nahay Dalalka ugu Roobka badan, Dalkeennu inuu Barwaaqo noqdo waxay ku xidhan tahay Labaatan Milyan oo dollar oo Qof Saacad ku qaato in waxaynu Dooxyo leenahay (Ku xidhno), markaa xitaa Dalalka jaarka ah Biyaha ayaynu siin karnaa.” Ayuu yidhi, isagoo Tujaarka ka codsaday inay Gurmad u fidiyaan Dadkeena ku abaareysan Gobollada bariga Somaliland, “Tujaarta iyo inta Caqliga iyo Cilmiga leh waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa in loo gurmado Dadkeena abaaruhu ku dhaceen, oo haddaynu isku tagno aynu awood u leenahay inaynu wax u qabanno inagoo ILAAHAY baryeyna (SW).”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka Siyaasadeed ee keena in Dadku qaybsamaan, “In Dadka la qaybiyo oo la isku diro, oo khilaaf aan jirin Ummaddu lagu abuuro ayaa Islaamahaa Tamaandhaha iibiya ee subaxdii Kallaha wixii laga ururiyey loo adeegsadaa, maaha wax Rag shaqeystay. Waxaanu leenahay taasi waa tii hore loogu jabay ee ka daaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey in Somaliland lagu haysto inay yihiin Dad dhammaantood wada Ahlu-sunna ah, “Lixdan Sannadood baynu doonaynay inaynu Xor noqonno, maxaa Somaliland lagu haystaa ? waa maxay dhibta aynu geysannay.? Waxaynu nahay Ahlu sunne dhammaanteen, calanka ayaynu ku qoranay Towxiidka, markaa Nimanka Dunida (Xukuma) ee (Gaaladu waxay leeyihiin) lama ogola Mushtamac wada Ahlu Sunna ah oo Shaaficiyo ah, taasi waata keenaysa in la innagu abuuro waxyaabo aynaan u baahnayn, kuwaas oo qaarkoodna hadda jiraan, qaarkoodna soo bixi doonaan, laguna bixiyey Lacago badan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo khudbaddiisa sii wata, ayaa sheegay in Somaliland ku taallo meel Istaraatiji ah, “Waxaynu ku naallaa Mandaqad xaasaasiya oo ka mid ah 7-da meelood ee Adduunyadu iskaga gudubto, haddaynu helo hoggaan garanaya khayraadka aynu leenahay wax badan baynu ka faa’ideynaa, haddii kale oo heshiisyo aan laga fiirsan Carruurteena, Carruutooda ayaa dhiibi doono midhaha ka dhalanaya.”