Yaasiin Cumar-Yare: Murashaxa Dhallinyarada Caasimada Oo Shalay Cududiisa Muujiyay

0
679

ina cumarHargeysa(Geeska)-Murashax Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar-yare) oo ka mid ah murashixiinta xisbiga UCID uga sharaxan magaalada Hargeysa, ayaa shalay si weyn taageerayaashiisa ugu soo bandhigay magaalada Hargeysa. Yaasiin Cumar-yare wuxuu u sharaxanyahay dhallinyarada caasimadda Hargeysa.

Murashax Yaasiin, oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah, wuxuu cududiisa taageero shalay ku soo bandhigay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa oo ay taageerayasha xisbiga UCID shalay isugu soo baxeen, waxaanu halkaas khudbad uga jeediyay taageeryaashiisa. Yaasiin oo ay walaalo yihiin fanaaniinta caanka ah ee walaalaha Sweden waxa isna shalay garab taagnaa walaalkii Fu’aad Cumar-yare oo ah fanaan caan ah. Yaasiin Cumar, wuxuu halkaas ku soo bandhigay barnaamijkiisa wax qabad haddii uu doorashada ku guulaysto. “Waxaan idiin balan qaadayaa inaan Hargeysa u shaqayn doono ee aanan ka shaqaysan doonin. Waxaan idiin balan qaadayaa inaan hadh iyo habeen u soo jeedi doono sidii aan caasimadda Hargeysa u gaadhsiin lahaa caasimadaha qayrkeed ah.” Sidaas ayuu yidhi Yaasiin oo la hadlay taageeryaaashiisa, waxaanu intaas raaciyay in haddii uu doorashada ku guulaysto uu halkii ka sii wadi doono dedaaladiisa uu ku horumariyo hawlaha ciyaaraha kubadda cagta oo uu hore wax weyn ka qabtay, maadaama oo uu ka mid ahaa ciyaartooygii caanka ka ahaa magaalada Hargeysa.

Yaasin, wuxuu si gaar ah uga hadlay wax qabadkiisii, waxaanu sheegay inuu isagu sameeyay waraaqo iyo dhukumentiyo muhiim u ah dawladda  hoose ee Hargeysa iyo weliba waxyaabo kale oo ay bulshadu u baahnayd oo uu fuliyay.

Yaasiin, wuxuu taageerayaashiisa kula dardaarmay inay maalinta doorashada si weyn ugu soo baxaan goobaha cod bixinta, isagoo kula dardaarmay inay nabadgelyada iyo nidaamka ilaaliyaan. “Waxaan taageerayaashayda leeyahay waa inoo maalinta cod bixinta, waana inaad idinku ilaalisaan nidaamka iyo nabadgelyada dalkeena iyo caasimadeena.” Ayuu yidhi Yaasiin.